HomeMidowga yurub oo somaliland ku casuumey shirkooda ka dhicidoona dalka Biljika

Midowga yurub oo somaliland ku casuumey shirkooda ka dhicidoona dalka Biljika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

eu_somaliland

Hargeysa (SLpost)Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xarunta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, kaasi oo safar ku yimid Hargeysa.

Safiirka Midowga Afrika ee Somaliland iyo Michele Somaliya Cervone d’Urso, ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxwaynaha Somaliya iyo wasiirka khaarajiga Somaliland ugu soo bandhigay inay Somaliland ka qayb-gasho shir dabayaaqada sanadkan lagu qabanayo dalka Beljamka, kaas oo aanu weli ajandihiisu cadayn, balse lagu xidhiidhinayo shirarka dib loogu dhisayo dalka Somaliya.

Wasiirka Arrimaah dibadda  Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo kulankaasi ka dib shir-jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa isagoo ka hadlaya shirkaas wuxuu yidhi  “Shirkaasi safiirku wuu ka hadlay, waana arin midowga Yurub nagu casuumay, waana arin aanu ka wada hadlayno oo wakhti badan-baa hadhay, maaha sidii shirkii London ee inta wax walba la soo dhameeyay maalintii ugu dambaysay Somaliland loogu yeedhay, arintaasina adduunka cashar ayay siisay oo Somaliland maaha dal lagu tallo-gali karo, waa in lagala tashadaa arimahaa saamaynta ku leh, markaa waanu ka tashanaynaa oo waanu rog-rogeynaa, markaa ka dib ayaanu ka qaadan doonaa go’aankaku haboon”ayuu yidhi Wasiirka arimaha dibada Somaliland oo intaasi ku daray hindise cusub oo uu midowga Yurub kula shaqaynayo Somaliland, “Waxaanu ka wada hadalnay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. waxa kale oo aanu ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo, waxaanu ka wada hadalnay mabaa’diida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland ay ku wadashaqaynayaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inaan Midowga Yurub wax ka bedalin sidii ay Somaliland u caawin jirtay  “Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan.

Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee Somaliland leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay.

Somalilanadpost

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories