HomeMidowga Yurub oo Sheegay inay Dawladda Itoobiya Kula Jiraan Wadahadal la Xidhiidha...

Midowga Yurub oo Sheegay inay Dawladda Itoobiya Kula Jiraan Wadahadal la Xidhiidha Dhismaha Jidka Berbera Corridor

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Addis Ababa (SLpost)- Ururka Midowga Yurub, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inay dawladda Itoobiya kula jiraan wadahadal la xidhiidha dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Awash ee gudaha dalka Itoobiya iyo Tog Wajaale oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, taasoo qayb ka ah mashruuca isku xidhka dekedda Berebra iyo waddanka Itoobiya (Berbera Corridor).

Xoghayaha labaad ee xafiiska Midowga Yurub ku leeyahay Itoobiya, ahna madaxa qaybta kaabayaasha dhaqaalaha Mr. Antonio Capone oo saxaafadda kula hadlay magaalada Addis Ababa toddobaadkii hore, ayaa sheegay inuu socdo wada-xaajood ku saabsan taageerada EU-da dhismaha jidka Berbera ku xidhaya Itoobiya.

“Waqti xaadirkan waxa aannu wada-xaajood kula jirnaa xukuumadda Itoobiya, iyadoo laga wadahadlayo suurtogalnimada in Midowga Yurub taageero ka gaysto dhismaha jidka magaalooyinka Awash iyo Tog Wajaale oo qayb ka ah mashruuca Berbera Corridor,” ayuu yidhi   masuulka u hadlay Midowga Yurub, kaasoo aan si cad u iftiimin waqtiga wadahadalku dhammaan doono iyo muddada la bilaabayo dhismaha jidka dekedda Berbera ku xidhaya magaalada Awash oo ka mid ah Killilka 3aad ee Itoobiya, gaar ahaan degaannada Canfarta.

Waxa kaloo Midowga Yurub caddeeyey inay lacag dhan 540 milyan oo euros, una dhiganta $613,764,000 (lix boqol, saddex iyo toban milyan, toddoba boqol, lixdan iyo afar kun) oo doollar ay u qoondeeyeey in waddooyin kala duwan loogu dhiso dalka Itoobiya shanta sanno ee soo socda haddii Ilaahay yidhaah.

Xoghayaha labaad ee xafiiska Midowga Yurub ku leeyahay Itoobiya, ahna madaxa qaybta kaabayaasha dhaqaalaha Mr. Antonio Capone, ayaa tilmaamay horumarka dhinaca dhismayaasha jidadka ee laga sameeyey dalka Itoobiya sannadkii 1997 ilaa 2014.

“Natiijada laga gaadhay dhismayaasha jidadku waa mid guul ah oo la xusi karo, iyadoo isku xidhka jidadka Itoobiya sare uga kaceen sannadkii 1997 oo ay marayeen 26 kun oo kilo mitir, halka ay sannadkii 2014 gaadheen ilaa 100 kun oo kiiloo mitir, waxaanna jirta in weli la qorshaynayo sidii jidad kale oo dhisi lahaa,” ayuu yidhi saraalka ka tirsan xarunta Midowga Yurub ee Itoobiya, kaasoo sidoo kale metela 16 waddan oo dalalka qaaradda Yurub ah.

Midowga Yurub, ayaa sidoo kale sheegay in celcelis ahaan saacadaha isku socodka gaadiidka ee degaannada miyigi Itoobiya aad hoos loogu dhigay, kadib markii la sameeyey jidad fududeeyey isu socodka dadka iyo gaadiidkaba.

“Marka la eego sannadkii 2007, saacadaha isku socodka gaadiidka ee degaannada miyiga ah waxay celcelis ahaan ahaayeen 4.5 saacadood, waxana arrintaas hadda lagu soo yareeyey laba saac oo qudha,” ayuu yidhi madaxa waaxda dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee Midowga Yurub.

 

Xigasho: Tooshnews

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories