HomeMidowga Yurub oo shaaciyey inuu Bixinayo Lacagta ku baxaysa Doorashada Golaha Wakiillada

Midowga Yurub oo shaaciyey inuu Bixinayo Lacagta ku baxaysa Doorashada Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

midowga YurubHargeysa (SLpost)- Xubno ka socday Midawga Yurub ayaa kulamo la xidhiidha doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka waxa ay la yeesheen xisbiyada mucaaradka ah Ucid iyo Waddani.

 

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay inay kala hadleen waftigan ka socday midawga Yurub sidii ay doorashadu u qabsoomi lahayd, arimaha gobalka ka socda iyo wadahadalada la doonayo inay dib u bilaabaan Somaliland iyo Somaliya.

 

Mr. oo hogaaminayay waftiga EU-da ayaa dhankiisa sheegay inay Somaliland diyaar u yihiin inay doorashooyinkan ka taageeraan hadii xisbiyadu ay soo gaadhaan go’aano ay isku raaceen.

 

Ugu horayntii Maxamed Cabdi Abyan oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Ucid ayaa halkaas waxa uu ka sheegay”Waxa nugu muhiimsanaa saddex qodob qodobka inagu taagan ee ah doorashada waanu u sheegnay in anagu Ucid ahaan aanu mudaba isku jiidaynay labada xisbi Waddani iyo Kulmiye oo meelo aad u kala durugsan ka taagnaa ilaa xadna aanu isku soo dhawaynay kulamo aan loo kala kicina aanu ku jirnay, maanta ( shalay ) oo ugu danbaysay laba jeer ayaanu la kulanay madaxweynaha, shalay ( doraad) sadexda xisbi kulan ayaanu ku lahayn madaxtooyada, maqribkana waxaanu la balansanahay Kulmiye, waxay wax naga waydiiyeen isbadalka ka dhacaaya gobalka iyo saamaynta uu ku leeyahay Somaliland, waxaanu ka wada hadalnay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo hada la rabo in la bilaabo, waxaanuna u sheegnay in wadahadaladaas loo baahan yahay inay hogaamiyaan koox beesha caalamka ah.”

 

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde ayaa dhankiisa kulankaas kadib waxa uu ku warbixiyay”Waxay doonayeen inay ogaadaan sidaan wax u qabsan karno ee aynu doorashada u soo dhawayn karno mawqifkayagana waan u cadaynay xisbiyadii kalena waa ay la kulmeen, madaxweynuuna waa uu u dhiman yahay, sharaxaad kale gali mayno ee waxii ay nala ahayd waanu u sheegnay iyaguna waxii ay la hayd si saraaxad leh ayay u hadleen waxii ay doonayeen ee wanaagsanaa sidii ay u gaadhi lahaayeen, anagu waxaanu u sheegnay in doorashada aanu diyaar u nahay, komishankana aanu doorashada qabanayn saacadiibaa ka dhacday oo waatan guurtidu ka saartay, si wakhti loogu helo komishanka cusub in komishankani uu kala tago iyo in komishanka la kordhiyo oo aanu anaga iyo Ucidba isku raacnay qoladana ay la qaadatay, sida loo kordhinaayo iyo sida loo wada qaybsanaayo waa laga wadahadli doonaa.”

 

Mr. Thomas Kircher oo hogaaminayay waftigan ka socday midawga Yurub ayaa ku sheegay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay u codeen la kulanka dhinacyada siyaasada ee Somaliland “Waxyaabaha ugu muhiimsan ee socdaalkayaga waxa uu ahaa inaanu la kulano dhinacyada siyaasada ee Somaliland si looga baxo is mari waaga siyaasadeed, waxaanu ku dhiiri galinay xisbiyada inay isla gaadhaan xal siyaasadeed si ay gudida doorashadu hawshooda u gutaan, diiwaangalinta codbixiyayaashana loo bilaabo kadibna ay doorashadu u qabsoonto, ka hor dhamaadka sanadka.”

 

Mr. Thomas ayaa sheegay in EU ay diyaar u tahay inay bixiso dhaqaalaha doorashada ay ku taageeri jirtay hadii dhinacyada siyaasadu ay gaadhaan heshiis mida“Waxaan filayaa hadii la helo heshiis siyaasadeed oo ay xisbiyadu gaadhaan Midawga Yurub waxa uu bixinayaa taageerada doorashada, waxa ka horaysa in xisbiyada siyaasada ee Somaliland ay la yimaadaan waxay heshiis ku yihiin dhinacyada oo dhan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories