HomeMidowga Yurub Oo Ka Hadlay Warbixin Xafiiska UNSOM Ka Diyaarisay Xaallada Warbaahinta...

Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Warbixin Xafiiska UNSOM Ka Diyaarisay Xaallada Warbaahinta Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Midowga Yurub iyo Dowladaha xubnaha ka ahba waxaa ay ugu hambalyeneyaan Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya ee (UNSOM) iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Qaabilsan Xaquuqul Insaanka ee (OHCHR) in ay soo saareen warbixintoodii ugu horeysay ee la xiriirta xaaladda xorriyada qowlka ama hadalka ee Soomaaliya. Midowga Yururb iyo dhamaan wadamada xubnaha ka ahba si weyn ayey u aaminsan yihiin una dhiirigalinayaan xoriyada hadalka ama qowlka. waxaana u aragnaa in ay tahay dhagax dhiga dimuquraadiyada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee qof kasta leeyahay.

images

Sida ay warbixintu cadeyneyso, dilka, jirdilka, faquuqinta, xariga iyo xabsiga aan sharciyeesnayn, maqnaanshaha nidaam caddaaladeed oo la horgeeyo dadka la tuhmayo, iyo xariga lagula kacayo warbaahintuba waxay noqodeen falal si joogta ah uga dhaca Soomaaliya oo dhan. Waxaa aallaaba inta badan lagu saleeyaa falalkaas eedeymo la xiriira baahinta war been ah, loona cuskado  sharciga benalaha ee Soomaaliya si loo ciqaabo.

 

Dareen weyn ayaan ka qabaan Midowga Yurub ahaan in dacwadahaas xooggoodu ay yihiin kuwo aan  baaritaan lagu sameynin. waxaanna u aragnaa xaalada mid waajib ka dhigeysa in la dhowra, difaaco, lana hormariyo xuquuqda madax bannaanida fikradaha dadka iyo xoriyatul qowlka, sidaa darteedna haydaha dowliaga ee ay quseyso waxaa laga dhowrayaa in ay si nidaamsan uga jawaabaan warbixinta, una baaraan eedeymaha, isla markaana in u sinnaanshaha sharcigu noqdo mid horseeda in la xaq dhowro xuquuqul insaanka.

 

Waxaan sidoo kale garawsanahay baahida loo qabo in la tirtiro sharciga danbiyeynaya baahinta warar aan run ahayn, lana xaqiijiyo in doorka nadabad Sugidda Soomaaliyeed noqdo mid ah kor joogteyn huffan iyo tallaabooyin isla xisaabtan ah.

 

Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ahba waxay doonayaan in ay arkaan todobaadyada soo socda in la abuuro jawi ogolaanaya in dadku ka qayb galaan doodo la xiriira geediga dimuquraadiyada oo dhacaya, lana bixiyo damaanad in ay jirto xoriyada hadalka, xaqa sameysashada urruro iyo isku soo baxyo nabadeed. Si loo bari taaro dimuquraadiyada baahsan iyo howl laga wada qeyb qaadanayo oo loo dhan yahay.

 

Waxaan soo dhoweyneynaa sharuucda dhowaan la ansixiyey ee dhisida guddiga xaquuqul Insaanka, waxaana ugu baaqayanaa Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay xaqiijiso dhismaha hayada madax bannaan sida ugu dhaqsaha badan si ay degdeg ugu dhaqaaqdo doorkeeda xassaasiga ah ee ay ku horumarineyso, kuna difaaceyso xuquuqul insaanka qof waliba leeyahay, ayna ka mid tahay xaqa umadax bannaanta fikradaha.

 

Midowga yurub iyo wadamada xubnaha ka ahba, waxay u taagan yihiin in ay taageeraan dhaqan galinta soo jeedimaha ku cad warbixinta, waxaana ku martiqaadeynaa hayadaha dowliga ah iyo hayadaha kale ee ay quseyso in ay u adeegsadaan soo jeedimahaas qaab farsamo si ay wax uga qabtaan arrimaha aasaasiga ah ee la xiriira madax bannaanida xoriyada qowlka Soomaalia.

 

Dhamaad.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories