HomeMidowga Yurub oo ka Fiirsanaya Laba Dariiq oo ay Taageeradooda Dhaqaale u...

Midowga Yurub oo ka Fiirsanaya Laba Dariiq oo ay Taageeradooda Dhaqaale u soo mariyaan Somaliland iyo Qorshahooda Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Midowga Yurub oo Somaliland ka taageera dhaqaalaha lagu bixiyo dhinaca horumarinta adeegyada bulshada iyo dhiirrigelinta nidaamka dimuqraadiyadda, ayaa shaaca ka qaaday inay ka fiirsanayaan sidii ay taageeradooda dhaqaale toos ugu siin lahaayeen Xukuumadda.

Waddamo badan oo ka tirsan Midowga Yurub, ayaa dhaqaalaha ay ku caawiyaan Somaliland u soo mariya Sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanay midowga Yurub hore u sheegeen inay ka qayb-qaadan doonaan isla markaana ay taageeradooda soo marin doonaan Sanduuqaas, haseyeeshee waxa ay sheegeen inay wakhtigan ka fiirsanayaan sidii ay arrintaas uga fiirsan lahaayeen iyaga oo meesha ku soo daray Baanka Adduunka inay soo mariyaan taageeradooda dhaqaale.

Cervone d'UrsoSafiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo Waraysi Gaar ah siiyey Wargeyska Himilo, ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifkooda ku aaddan haddii dib-u-dhac ku yimaaddo Doorashooyinka Somaliland ee la filayo badhtamaha sannadkan inay ka dhacaan.

Safiirka oo la weydiiyey Su’aal nuxurkeedu u dhignaa, Xilliga ay midowga Yurub bilaabi doonaan inay taageeradooda ku soo shubaan Sanduuqa horumarinta Somaliland iyo xaddiga uu le’eg yahay dhaqaalaha ay ugu talo-galeen, waxa uu ku jawaabay, “Midowga Yurub wakhtigan waxay ku hawlan yihiin baadhitaanka dariiqyadii ay taageeradooda ugu soo biirin lahaayeen sanduuqa horumarinta Somaliland. Si kasta, waxaan sidoo kale isku deyeynaa inaan taageeradayada baahiyaadka Somaliland u soo marino sanduuqa Baanka Aduunka. Labada xalba wakhtigan waanu ka tashanaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Safiirka Midowga Yurub.

Michele Cervone d’Urso oo la weydiiyey sida ay arkaan haddii doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan, waxa uu ku jawaabay, “Sababta taageerada Midowga Yurub ee Somaliland waa baahida horumarka oo muhiim ah, waxaana naga go’an inaan la dagaalano gaajada meel kasta adduunka. Laakiin, waa dhab in la dagaalanka gaajadu aanay soconayn hadaanu jirin maamul-wanaag,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Nidaamka dimoqraadigu waa wadiiqo lagu gaadho maamul-wanaaga, dhiirigelinteeduna waa muhiimada Midowga Yurub. Waxaan qeyb ka nahay guddiga isku-duba-ridka oo ku jiraan Denmark, Midowga Yurub, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska iyo Maraykanka, oo kormeera, isla markaana taageera nidaamka dimoqraadiyada Somaliland. Waxaan ka caawinaa komiishanka doorashooyinka qorshahooda hirgelinta doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee June 2015, una soo jeedinaynaa dhamaan dhinacyada Somaliland inay socdaan jihadaa, oo ku qotonta balanqaadkii xukuumadda.

Waxaan ogahay in bulshada Somaliland taa sugayaan, beesha caalamkuna waa inay xushmeeyaan, isla markaana tagaeeraan doonista shacabka,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Cervone d’Urso.

SOMALILANDPOS.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories