HomeMidowga Yurub oo Iclaamiyey Shir Kaalmo dhaqaale loogu ururinayo Dawladda Taagta Daran...

Midowga Yurub oo Iclaamiyey Shir Kaalmo dhaqaale loogu ururinayo Dawladda Taagta Daran ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

EU-SOMALIAMuqdisho (SLpost)- Midowga Yurub iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen, waxa ay ku muddeeyey Shir caalami ah oo loo qabanayo dalkaasi Soomaaliya, kaas oo xoogga lagu saarayo dib u-dhiska dalkaas ee muddada saddexda Sanno ee Soo Socda.

War-murtiyeedkan ay wada-jirka u soo saareen Midowga Yurub iyo Soomaaliya, waxa shirkaas oo loo bixiyey ‘Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya’, loo muddeeyey inuu magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ku qabsoomo 16-ka Bisha Sagaalaad ee Sannadkan.

War-murtiyeedka ayaa u qornaa sidan: “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub waxay wada-marti gelinayaa ‘Shirika Heshiiska Cusub ee Soomaaliya’ ee ka dhacaya Brussels 16ka Setember 2013. Shirka Caalamiga ah wuxuu meelmarin doonaa “Cahdiga Heshiiska Cusub” kaasoo siin-doona dadka Soomaaliyeed iyo shurakada Caalmiga ah xermo baahiyo muhim ah iyo kaa’mo cusub ee dib-u-dhiska Soomaaliya seddexda sannee soo socota. Shirka wuxuu u qaabeysan yahay in lagu dhisaa dar-darta horumarka iyo is-bedelka ka jira Soomaaliya oo ay taagyeereen shirarkii caalimiga ahaa ee dhawaa loo qabtay dalka.

Wakiiladda Sare ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Katharine Ashton waxay Tidhi: <<Xaaladda Soomaaliya waa ay isbedeshay sannadihii la soo dhaafay. Waxaa halka hadda ka jira jaawi dhaqa-dhaqaa, dowladnimo iyo rajo soo if-baxaya. Sidaa darteeda waxaa intii horeba ka muhinsan in  beesha caalamaka ay qadarisaa balanteeda taagyeerid ee dadka Soomaaliyeed.  dhacdada tan ee sida wada-jirka ah u marti geliyeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub, waxay ka dhigi doontaa ‘Cahdiga Heshiiska Cusub’ mid assaas u noqda balan-qaadka ka dhexeeya bulshada caalamka iyo Soomaaliya ee ku aadan qorshaha seddexda sano kaasoo u keeni doona nabad, amni iyo horumar dhammaan dadka Soomaaliyeed.>>

Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheikh Maxamud ayaa yidhi: “16ka Setember, Baroness Ashton, iyo aniga waxaan ku qaban doonaa Brussells, Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya, waxaan u soo bandhigi doonaa beesha caalamka baahiyadeena kuwa ugu muhimsan xag siyaasadeed, amni iyo horumarineed oo ay hagayaan maba’di’da Heshiiska Cusub ee dowladaha aan xasilooneyn ee lagu heshiiyey Busan 2011. Dhammaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay ka fa’ideystaan fursadaan si loogu dhiirigeliyo kaalamada caalamka in ay taagyeerto soo kabashadeena. Waxaannu haysanaa middan fursad ah si aannu u hubino in seddexda sannee soo socota aannu ugu dhisno dar-dar horumar iyo in aan ka hor-qaadnaa khatar kastoo soo celin karta fowda iyo colaad. Waxaan rajaynayaa in dunida ka soo qayb gasho si ay u balan qaado taagyeerideeda si loo badbaadiyo sheekan horumarka ah ee sida dhaqsida leh u soo if-baxaysa.>>

“Cahdiga Heshiiska Cusub” ee lagu wado in ay ku meel-mariyeen Soomaaliya iyo bulshada caalamka Burussels bisha September wuxuu ka yahay qaab muhim ah “heshiiska Cusub ee dowladaha aan xasilooneyn” kasoo waajib kaga dhigaya shurakada wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah in ay si wada-jir wax uga gestaan baahiyaha muhimka ah ee xag siyaasadeed, amni iyo dhqan-dhaqaale. Heshiiska Cusub waxaa kaloo ku jira qaab-dhismeed maaliyadeed ee Soomaliya yeelaneyso oo ku salaysan la-xisaabtan iyo isbahaysi ka dhaxeeya. Hanaanka Heshiiska Cusub waxaa la daah-furay bishi May 14di, 2013 waxaana hogaaminaaya Guddi Howleedka Heshiiska Cusub oo ka kooban Dowladda Federaalka, Barlamaanka iyo Midowga Yurub (ka wakiil ah deeq-bixiyayaasha) oo ay ku jiraan daneyayaal balaadhan.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories