HomeMidowga Yurub oo Cunaqabaytay ku soo Rogaya Suuriya iyo Xasuuqa dadka oo...

Midowga Yurub oo Cunaqabaytay ku soo Rogaya Suuriya iyo Xasuuqa dadka oo sii kordhaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dimishiq, (SLpost)- Sida kooxaha xidhiidhka mucaaridka dalka Suuriya iyo dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadamaha ee ku sugan dalkaasi cadeeyeen, 22-qof ayaa ku dhintay tiro kale oo aad u badana way ku dhaawacmeen, Mudaharaadyo waaweyn oo shalay jimcihii ka dhacay dhamaan gobolada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

blankMudaharaadyada shalay jimcihii ka dhacay dalka Suuriya oo la sheegay inay ahaayeen kuwii ugu balaadhnaa ee si siman ugu faafaa dhamaan dalka oo dhan, taas oo sida loo malaynayo ka dhalatay codsigii kooxaha kacdoonku dadka reer Suuriya kaga codsadeen inay u soo baxaan dibad-baxyada jimcaha oo loogu magac daray, “Jimcihii dhimashada iyo Duli Diidka.”

Tirada dhimashada shalay ayaa kor u qaadaysa xadiga dadka rayidka ah ee ku naf waayay, xooga iyo gacanta birta ah ee xukuumadda Madaxweyne Bashaar Al-Asad kala hor tagtay kooxaha kacdoonka isbadal doonka ah dalkaas ka waday tan iyo badhtamihii bishii March, warbixino kooxaha xuquuqda aadamuhu soo saareena waxa uu cadaynayaa in 2200-qof ku dhinteen dalkaas, tan iyo markii mudaharaadyada lagu diidan yahay xukuumaddu bilaabmeen.

Dadka dhimanaya oo intooda badan loo isticmaalay rasaas nool nool, waxa ka sii daran, baadhitaanka joogtada ah ee lagu hayo shacabka iyo xadhiga aan kala joogsiga lahayn ee ciidamadda ammaanku wadaan, sida dadka u ololeeya xuquuqda aadamuhu ku doodayaana in ka badan labaatan kun oo qof ayuu maamulka Suuriya xidhay tan iyo markii kacdoonku bilaabmay, in badan oo ka mid ahna waxa lagula kacay, jidh dil iyo dacati ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Dhinaca kale midowga Yurub ayaa cuna-qabatayn cusub ku soo rogay dalka Suuriya, taas oo sida la sheegay lagu muujiyo werwerka Yurub ka qabto arxan darada ciidamada milatariga ee dalka Suuriya iyo xukuumadda Madaxweyne Asad kula kacayaan dadka Rayidka ah ee sida nabad galyada ah u mudaharaadaya, dareenkoodana inay muujiyaan laga hor taagan yahay.

Midowga Yurub wuxuu si rasmi ah u joojinayaa saliida aadka u kooban ee dalal ka tirsani ka soo waaritaan dalka Suuriya. Cuna qabataynta midowga Yurub waxa kale oo ku jirta inaan waxba laga iibsan karin, lagana iibin karin xukuumadda Suuriya, sidoo kale aan loo ogolaan xubno badan oo ka tirsan maamulka Dimishiq ruqsadaha dal ku galka (Visas) ee midowga Yurub.

22-ka qof ee ku dhintay mudaharaadyadii shalay ka dhacay dalka Suuriya ayaa ku kala dhintay goobo kala duwan oo dalkaas ka mid ah, waxaana dhamaantood lala beegsaday rasaas ay milatariga dalkaasi ooda kaga qaadeen, tiro kale oo aad uga badan intaas ayaa iyaguna ku dhaawacmay, meelo badan oo ka mid ah dalka Suuriya ayaa cusbitaalada iyo goobaha caafimaadku ay ka cabanayaan in heerka dhaawaca iyo dadka ku waxyeelooba mudaharaadyadu aad uga badan tahay intii loogu tala galay ama ay awoodi karayeen, waxa kale oo jira cusbitaalo mar hore dawadu ka go’day.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories