HomeMidowga Yurub oo Caddeeyey Qaabka ay Deeqaha iyo Barmaanijyada Horumarineed ku siinayaan...

Midowga Yurub oo Caddeeyey Qaabka ay Deeqaha iyo Barmaanijyada Horumarineed ku siinayaan Somaliland iyo qorshe Cusub oo ay labada dhinac isla garteen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Midowga Yurub u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso., ayaa maanta Socdaal Kedis ah ku yimi Magaalada Hargeysa, isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka soo dagay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ka hor intii aanay u dhaqaaqin dhanka madaxtooyada Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo ku qaabilay.

Markii uu dhammaaday kulanka dhexmaray maaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud iyo Danjire Michele Cernone, waxa warbaahinta u faahfaahiyey nuxurka waxyaabaha ay ka wada-hadleen, wasiirka Arrimaha debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Danjire Michele.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo faahfaahinaya natiijada Kulanka, waxa uu yidhi, “Waxa maanta Booqasho Somaliland ugu yimid Safiirka Midowga Yurub ka socday oo la yidhaahdo Michele Cervone d’Urso, waxaanan ka wada hadlanay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo aanu maanta ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo.”

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hadlayay dulucda qodobadii ay maanta ka wada hadleen Safiirkan, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka wada hadalnay mabaadiida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland ay ku wada shaqaynayaan.

Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan. Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee dalkani (Somaliland) leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay,”ayuu Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Danjire Michele Cervone d’Urso oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inuu madaxweynaha uga mahad celinayo sidii ay iskugu afgarteen iskaashiga Somaliland iyo midowga Yurub saddexda sanadood ee soo socda, kaas oo noqonaya barnaamij cusub oo midowga Yurub xidhiidh iskaashi kula yeelanayo Somaliland.Safiirku waxa uu sheegay in mashaariicda ay ka fuliso Somaliland loo hirgelin doono hadba daruuriyaadka Somaliland u dejiso.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories