HomeMidowga Yurub oo Bayaan ka soo saaray Xukun Qisaas ah oo Somaliland...

Midowga Yurub oo Bayaan ka soo saaray Xukun Qisaas ah oo Somaliland ku fulisay Lix Gacan-ku-dhiigle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeys (SLpost)- Midowga Yurub, ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku cambaareeyey Xukun Qisaas ah oo Dowladda Somaliland ku fulisay Lix gacan-ku-dhiigle oo Maxkamadaha dalku ku xukumeen kaddib markii lagu helay dambiga ah inay dilal geysteen.

Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa 26-kii bishan dil qisaas ah ku fuliyey Lixda Marxuum oo lagu toogtay barxad bannaan ku ka soo horjeedda Xabsiga Mandheera ee Somaliland.

blankBayaan ay si wada-jir ah u soo saareen Midowga Yurub, Norway iyo Dowladda Ingiriiska, ayaa lagu sheegay inay aad uga xumaadeen maqalka warku ku saabsan xukunka qisaasta ah ee dowladda Somailand ku fulisay 6 gacan-ku-dhiigle, balse waxa ay sheegeen inay sii wadayaan dedaallada caalamiga ah ee ku wejahan wax ay ku tilmaameen ‘cidhib-tirka ciqaabka Dilka’.

Warka ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaalida oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:-

“Hawl-galka Midowga Yurub waxay soo saarayaan bayaanka soo socda oo ay heshiis ku Yihiin Madaxda Midowga Yurub, Madaxda Ergada Norway iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Midowga Yurub wuxuu aad uga xumaaday warka ku saabsan dilka 6 maxbuus oo la xukumay oo ku xirnaa xabsiga Mandheera, Somaliland, 26kii Nofeembar 2020.

Midowga Yurub wuxuu mowqif adag ka taagan yahay ciqaabta dilka, waxaanu ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee. Ma jiraan caddaymo adag oo ka markhaati kacaya in ciqaabta dilka loo adeegsado iyadoo dambi laga hortagayo oo aan ka waxtar badnayn Xadhigga. Wixii khaladaad ah  ee aan lagaga hortegi karin nidaam kasta oo sharci, waa kuwo aan laga soo kaban karin.

Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa taageerida isbeddelka Caalamiga ah ee ku wajahan ciribtirka ciqaabta dilka.” Sidaas ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories