HomeMidowga Yurub iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo Iska kaashanaya Mashruuc lagu maalgelinayo...

Midowga Yurub iyo Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo Iska kaashanaya Mashruuc lagu maalgelinayo Ilaalinta Aataarta Qadiimiga ah ee Laas-geel

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)-  Midowga Yurub ayaa shaaciyey mashruuc uu ku maalgelinayo Goobaha Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo masaafo 47km dhinaca Bariga kaga beegan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Mashruuca oo loogu talo-galay sidii loo xoojin lahaa Ilaalinta iyo bad-qabka Godadka ay Aataarta Qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, ayaa socon doona muddo 12 bilood ah, waxaana fulinaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo kaashanaysa wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

blankWar-saxaafadeed lagu faahfaahiyey muhiimadda mashruucan oo ay wada-jir u soo saareen Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Xafiiska Midowga Yurub, ayaa u qornaa sidan:-

“Midowga Yurub wuxuu ku dhawaaqay taageeradii ugu horeysay ee caalami ah oo ku saabsan ilaalinta iyo dhawrista Godadka ay ku duugan yihiin Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo taala duleedka Bari ee magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Waxa Godadka ku yaalla qaar ka mid ah sawir-gacameedyada Dadkii hore ee ku noolaan jiray Geeska Afrika. Farshaxanka oo lagu qiyaasay inuu jiro 5,000 ilaa 7,000 sanno isla markaana ay daah-fureen Khubaro ku-xeel-dheer Cilmiga Aataarta Qadiimiga ah oo u dhashay dalka Faransiiska sannadkii 2002-dii, waxa loo aqoonsaday inay ka mid yihiin goobaha aataarta Qadiimiga ah ee ugu faca weyn mandaqadda Geeska Afrika, taas oo sababta lagu siiyey derajadaas lagu sheegay inay tahay tirada iyo tayada sare ee farshaxannada ku samaysan Dhagxaanta iyo Sallaxyada iyo sidoo kale asalnimada waxyaabaha ay sawirradu shabbahaan oo Lo’da iyo Calaamado kale ka mid yihiin.

Taageerada Midowga Yurub waxay ku soo beegmaysaa waqti muhiim ah oo baahi loo qabo kor-u-qaadista siyaabaha kala duwan ee loo ilaalin karo iyo xirfadaha lagu dhawri karo Goobta. Barnaamijkan cusub oo soconaya muddo 12 bilood oo ay hirgalinayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, waxa uu ku saabsan yahay kobcinta awoodda maamul ee goobta, in Xayn-daab lagu wareejinayo goobta oo dhan, in laga jaro daaqsinka iyo dhirta iyo ugu dambayn dhisidda jidad loo maro goobaha dalxiiska.” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Sida war-saxaafadeedkan lagu sheegay, waxa muhiimadda mashruucan ka hadlay Safiirka Midowga Yurub, Nicolás Berlanga oo sababta ugu weyn ee midowga Yurub maalgelinta ugu samaynayo ku sheegay mid lagu dhiirri-gelinayo fahamka ilaalinta taariikhdii iyo Qiimaha ay leedahay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa; “Ilaalinta Laasgeel waa dhawrista qeyb ka mid ah Hiddaha innaga wada-dhexeeya. Hidduhu waa dhaqan iyo sidoo kale daaqad lagu kobciyo is-fahamka ka dhexeeya dadka iyo bulshooyinka. Sidoo kale, Dhaqanku waa il laga helo dakhli iyo dariiq ay ku hawlgalaan loo jeexo jiilka da’da yar si ay u badbaadiyaan taariikhdooda. Midowga Yurub wuxuu barnaamijkan uga gol-leeyahay inuu sameeyo biriishyo isku xidhaya jiilalkii hore iyo muwaadiniinta Somaliland iyo bulshooyinka kala duwan ee calaamka”, sidaas ayuu yidhi Danjire Nicolás Berlanga.

blankAgaasimaha Maamulka ee Redsea Cultural Foundation, Dr. Jama Musse Jama oo isaguna mashruuca iyo muhiimadda iftiimiyey, ayaa yidhi, “Mashruucan waxa laga rajaynayaa inuu hormood u noqdo Waxqabadyo dadweynaha u dhexeeya oo si joogta ah loo qaban doono. Waa mashruuc kor u qaadaya fekerka Caafimaadka qaba oo noqonaya halka aan rabno inaanu kala shaqayno dhalinyarada si ay u bartaan taariikhda iyo hidaha dalkooda, uguna dhiirradaan ilaalinta Goobtan dhaxalka u ah Hiddaha adduunka”.

Dhinaciisa, waxa isna muhiimadda mashruucan ka hadlay Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad, ayaa yidhi, “Hadda waxaanu ku dadaalnaa inaanu qabanno wixii taagtayadu tahay, laakiin baahi weyn ayaa loo qabaa in la helo imkaaniyaadka ay kuwada shaqayn lahaayeen Bulshada deegaanka iyo Wasaaradduba si ay dadku u fahmaan qiimaha iyo muhiimadda ay ilaalinta Hantida Qaran ee dhaxalka ahi u leedahay Somaliland iyo adduunka intiisa kaleba.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Afraad ee Sannadkii 2019-kii booqday goobta Aasaarta qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, isagoo indho-indhayn uu xaaladda goobaha ugu kuur-galay kaddib halkaas xadhigga kaga jiray dayac-tir lagu sameeyey iyo Ceelal-biyood oo laga hirgeliyey goobaha Ataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel.

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories