HomeMidowga Yurub iyo Sweden Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay hirgelinta Dooraashadii Deegaanka iyo...

Midowga Yurub iyo Sweden Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay hirgelinta Dooraashadii Deegaanka iyo Wakiillada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada kulamo kala duwan kula qaatay Safiirrada cusub ee Midawga Yurub, Amb. Tiina Intelmann iyo Dalka Sweden Amb. Per Lindgarde oo safarkoodii u horreeyey ku yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa safiirrada cusub ku soo dhaweeyey dalka Somaliland, sidoo kalena waxa uu xog-warran buuxa ka siiyey horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, iyadoo ay isku duuban yihiin shacbi iyo dawladba, taas oo keentay in qaranka Somaliland noqdo dal ay ka hana qaadeen doorashooyin Dimuquraadiya oo soo jiitay indhaha caalamka,kana jirto nabadgelyo iyo xasillooni buuxda, arrimahaas oo ah kuwo lagu majeerto, tusaalooyin wacanna u ah dunida inteeda kale.

blankKulamadan, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya midawga Yurub iyo dalka Sweden, lana dardar geliyo mashaariicda horumarineed, hadday tahay kuwii socday iyo hadday tahay kuwa cusub ee sannadaha soo socda qorshaysan. Sidoo kale waxa kulamadaasi lagaga wada hadlay hawlaha doorashooyinka iyo arrimaha mandaqadda geeska Afrika.

Wufuudda, ayaa dhinacooda waxa ay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka iyo hiigsiga ka socda kana muuqda Somaliland ee ah inay noqdaan kuwo ka gun gaadha himilooyinkooda fog iyo kuwa dhawba, waxa kale oo ay ku hambalyeeyeen xukuumadda arrimaha doorashooyinka Somaliland, iyagoo ballan qaaday inay halkaa ka sii anba qaadi doonaan xidhiidhadii wanaagsanaa ee horeba u socday ee ka dhexeeyey Somaliland, Midawga yurub iyo  Sweden.

blankWaxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Dhinaca Wufuuda waxa safiirka Midawga Yurub ku wehelinaayey Ms Maria Groeneveld oo ah maareeyaha Barnaamijyada ee Midawga Yurub iyo Mr Cadnaan Axmed oo ka socday xafiiska Somaliland ee Midawga Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories