HomeMidowga Yurub iyo Soomaaliya oo ka shiray dardar-gelinta Mashruuc liddi ku ah...

Midowga Yurub iyo Soomaaliya oo ka shiray dardar-gelinta Mashruuc liddi ku ah madax-bannaanida Dhuleed iyo Dowladnimo ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Hawl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa dowladda Farmaajo kala shiray dar-dar gelinta barnaamij lagu tayaynayo Ciidamada badda ee dalkaas, kaas oo qayb ka ah qorshe ciidamo isku-dhaf ah oo ammaanka qaabilsan loogu samaynayo dalalka Geeska Afrika ee teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Waddamada ku midoobay Isbahaysi goboleedka IGAD, ayaa kulan ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isugu yimaaddeen bishii April ee 2019-kii kaga dhawaaqay aasaaska Ciidamo Isku-dhaf ah oo ka hawl-gala biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si ay u ilaaliyaan ammaanka iyo danaha dhaqaale ee gobolka, waxaana dhaqaalaha ku baxaya iyo farsamada Ciidan ee mashruuc si weyn uga qayb-qaadanaya Midowga Yurub oo hoggaamiya hawl-galka ciidamada ugu ballaadhan dalalka reer Galbeedka ee ka hawl-gala biyaha Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Urur goboleedka IGAD ayaa ah isbahaysi dhinaca horumarka ah oo ay ku midaysan yihiin dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Somalia, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Uganda, waxaanu qorshaha hirgelinta Ciidamada isku-dhafka ah Qayb ka yahay hirgelinta qorshe lagu abuurayo Xulafo ay ku midaysan yihiin dalalka ku yaalla xeebaha badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kaas oo uu dabada ka riixayo dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

blankToddobaadkan waxa magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya waxa kulan ku yeeshay Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Jeneraal  Antonio Planells Palau, ku-xigeenka Madaxa Xafiiska EUCAP Somalia, Fabian Loewenberg oo ay weheliyaan saraakiil saresare, ayaa shir gaar ah la qaatay Agaasimaha Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah haweenay lagu magacaabo Muntaziyah M Jimcaale.

Saraakiisha sare-sare ee ka socday Hawl-gallada Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxa ay masuulka ka socday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ka-wada hadleen dhammaystirka tallaabooyinka xiga ee ku aaddan taageerada Milatari oo Midowga Yurub ku badhi-taarayo dowladda Soomaaliya ee ku saabsan horumarinta qaab-dhismeedka amniga Badda ee Soomaaliya, taas oo ah in Midowga Yurub tabobarro u fidiyo, agab Milatarigana ku caawiyo Ciidamada Badda ee Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Ciidamada Isku-dhafka ah ee dalalka IGAD ka hawl-galinayaan Baddacas iyo Gacanka Cadmeed.

blankSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hawl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya, taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub ku bixinayo qaab-dhismeedka Amniga Badda, waxa ka mid ah taageerada dhaqaale ee lagu bixiyo ka faa’idaysiga kheyraadka badda  iyo horumarinta Ciidamada ilaalada Xeebaha. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday sidii loo dar-dar gelin lahaa hirgelinta mashaariicda midowga Yurub ku taageerayaan dhismaha Ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, warku waxa uu intaas ku daray in masuulka ka socday Xafiiska madaxweynaha Soomaliya ay kulan gaar ah la qaadatay Madaxa Xafiiska hawl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP-Somalia), Chris Reynold, waxaanay kala hadashay sidii Midowga Yurub taageero dheeraad ah uga gaysan lahaa Hawl-galka Isku dubba ridka Mashaariicda horumarineed ee Badda dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, kaas oo maamulkeeda ay gacanta ku hayaan guddi isku-dhaf ah oo ka kooban Soomaalida iyo Beesha Caalamka, kaas oo Somaliland xubin ka tahay.

blankMidowga Yurub ayaa Somaliland ka taageera mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan tabobarka Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee ku saabsan kheyraadka badda.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan dhismaha isbahaysiga ciidan ee laga hawl-galinayo Biyaha badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, maadaama aanay Somaliland qayb ka ahayn qorshaha lagu go’aamiyey arrintan oo gebi ahaanba ka soo horjeeda madax-bannaanida dhuleed iyo dowladnimo ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay qorshahan ku dedaafaysay bishii January ee sannadkan ku sheegtay inaanay qayb ka ahayn siyaasadaha, barnaamijyada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan dalalka xubnaha ka ah Isbaahaysiga Badda Cas ilaa iyo inta Somaliland ka maqan tahay layskana indho-tirayo kaalinteeda ku haboon ee ay ku dhex leedahay daneeyayaasha muhiim ah ee qorshahan.

Haseyeeshee Xukuumaddu waxay soo dhawaysay dedaallada iyo qorsheyaasha iskaashi ee lagu xoojinayo ammaanka iyo xasilaannida marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo halbowle u ah isu-socodka dhaqan-dhaqaale ee mandaqadda iyo Caalamka guud ahaan. Balse waxa ay xukuumaddu ku gooddiday inaanay xuquuqda baddeeda cid kale u daba-fadhiisan doonin.

Dalka Ethiopia oo ka mid ah waddamada IGAD ee aan Badda lahayn, ayaa ugu horreeya dalalka sida weyn u soo dhaweeyey qorshahan, iyagoo xilligan ku hawlan inay samaystaan Ciidamo Badda ah. Waxa kale Ehiopia ku hawlan tahay sidii ay dalalka Geeska Afrika ee xeebaha leh uga samaysan lahayd saldhig ay ka hawlaan ciidamadooda badda. 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories