HomeMidowga Afrika oo QM ka dalbaday Xayiraad la saaro Garoommada iyo Dekedaha...

Midowga Afrika oo QM ka dalbaday Xayiraad la saaro Garoommada iyo Dekedaha ay Al-shabaab haysato

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa, (SLpost)- Ururka Midowga Afrika ayaa ka codsaday dalalka awoodda leh ee dunida inay ka hortagaan khatar ay sheegeen inay kasoo fool-leedahay Kooxda Al-shabaab, iyagoo sidoo kale codsaday in la qaado tallaabooyin lagu saarayo cunno-qabateyn garoommada iyo dekedaha ku yaalla gobollada ay maamusho Al-shabaab.

blankKooxda Al-shabaab oo xidhiidh dhow la leh Al-Qaacida ayaa tan iyo 2007-dii gacanta ku haysay inta badan gobollada ku yaalla Koonfurta iyo badhtamaha Somaaliya, isla markaana bishii hore faaruqisay fadhiisimo ay ku lahaayeen Muqdisho, taasoo rajo weyn gelisay dowaldda KMG ah oo hore ugu sugnayd qaybo yar oo Muqdisho ka tirsan.

“Waxaynu dhammaanteen is-dhaafsannay warar, waxaynu isla garanay in la joogo xilligii arrinta Soomaaliya loo waajihi lahaa si ka duwan sidii hore,” ayuu ydhi Ramtana Lamamra oo ah guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika.

“Waxaa jira waxoogaa wareer ah oo ku saabsan nabad ilaaliyeyaasha midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Waayo ma haystaan qalab ku filan, sidoo kalena ciidanka DKMG ah awood uma laha inay shaqooyinka oo dhan qabtaan, basle horumar yar ayay sameeyeen markii Al-shabaab ay ka baxday Muqdisho,” ayuu mar kale yidhi.

Soomaaliya wax dowlad ah kama jirin tan iyo sannadkii 1991-kii markaasoo jabhado hubeysan ay xukunka ka tuureen dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre., iyadoo Al-shabaab oo jirta muddo afar sano ah ay dagaallo kula jirto DKMG ah ee ay taageerto Qarammada Midoobay iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ururka Midowga Afrika ayaa sannadkii hore ugu baaqay Qarammada Midoobay inay cunno-qabteyn saarto garoommada iyo dekedaha ku yaalla gobollada ay Al-shabaab maamusho, si looga hortago inay hub iyo dagaalyahanno kasoo dagaan, balse weli lama fulin codsigaas.

Qarammada Midoobay ayaa toddobaadka soo socda ku qabanaysa New York shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, iyadoo Lamamra uu sheegay in rajo weyn uu ka qabo shirkaas, isagoo sheegay inuu filayo inay kasoo baxaan qorshayaal lagaga hortagayo Al-shabaab.

“Waxaanu sheegaynaa in codsiyada iyo talooyinkeenna ay tixgelin doonto Qarammada Midoobay. Waxaananu rummeysannahay in la joogo xilligii la fulin lahaa codsiyada Midowga Afrika, si wax looga badalo xaaladda Soomaaliya,” ayuu raaciyay hadalkiisa Lamamra.

Dalka Soomaaliya waxaa xilligan ka taagan abaar iyo macluul daran, waxayna Qarammada Midoobay sheegtay inay macluusha iyo abaartu dilaan maalin walba kumanaan qof.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories