Home“Midnimadii Somalia waa tii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar...

“Midnimadii Somalia waa tii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga fal-celiyey Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya oo Gole-weynaha Adduunka ee Qaramada Midoobay ka sheegay inuu muddo laba sanno ah ku soo celinayo Midnimadii Soomaaliweyn

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in dawladdiisa iyo Shacabka Somaliland diyaar u yihiin inay dhiiggooda mar kale ku difaacaan qadiyadda madax-bannaanidooda, waxaanu shacabka ugu baaqay inay isku-duubnaadaan isla markaana ay il-kaliya ku eegaan cadowgooda.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadalkiisu daba-socday hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya oo xarunta Qaramada Midoobay oo uu shir kaga qayb-galay ka sheegay inuu muddo laba sanno gudahood ah uu ku hirgelinayo midnimada dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaanu madaxweyne Siilaanyo hadalka dhiggiisa Soomaaliya ku tilmaamay war khaldan iyo riyo aan waxba ka jirin oo uu dunida u gudiyey.

SIILAANYO
Madaxweynaha Somaliland (PHOTOFILE)

 

Md Axmed Siilanyo oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabiyeen arday waxbarashada ka dhammaystay Jaamacadda Hargeysa, waxa uu sheegay in dawladdiisa iyo shacabkuba diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan cid kasta oo ku soo xad-gudubta xuduudaha ay Somaliland leedahay.

Madaxweynuhu waxa uu yidhi, “Waxaan jecelahay in aan kelmad ka idhaahdo Madaxweynaha Somalia iyo dawladiisa oo weli ku-naaloonaya midnimo, dunidana u tebinayey war khaldan iyo riyo aan waxba ka jirin.

Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madax-banaan, dadkiisuna way tashadeen waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda 97% ku-meel-mariyey dastuurka JSL iyo jiritaankooda.

Midnimadii Somalia waa tii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta, oo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, badiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wadahadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadalada si aynu u kala baxno.”

Md Siilaanyo waxa uu beesha Caalamka ugu baaqay inay ka garaabaan xuquuqda dawladnimo ee Somaliland ku leedahay adduunka. “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu Isku-duubni ugu baaqay shacabka Somaliland, waxaanu yidhi, “Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay is-ku-duubnaadaan, Dalka illaashadaan meelna uga soo wada jeedaan cadawgooda.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey fadhigii 69aad ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxayso uu todobaadkan kaga qayb-galay xarunta guud ee Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada New York ee Maraykanka, waxa uu  sheegay inuu muddo laba sanno gudahooda ah ku soo celinayo midnimadii Soomaaliya.

“Waxaanu leenahay waddan immika ku socda inuu u midoobo Qaran ahaan, annaga oo hindisahayagu in sannadka 2016-ka la helo Soomaaliya oo midaysan,” sidaas ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka yidhi Xarunta Guud ee Golaha Ammaanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories