HomeMidawga Yurub Oo Ku Heshiiyay Inay Awood Ciidan U Adeegsadaan Tahriibayaasha Liibiya

Midawga Yurub Oo Ku Heshiiyay Inay Awood Ciidan U Adeegsadaan Tahriibayaasha Liibiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Brussels, (SLpost)- Wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa ansixiyay qorsheyaal lagu sameynayo ciidan baddeed la dagaallama mukhalasiinta dadka tahriibiya ee jooga Liibiya.Muhajiriin

Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in hawlgalku uu isku dayi doono inuu kala dhantaalo, qaabka ganacsiga ah ee shabakadaha dadka sida sharci darrada ah uga gudbiya badda Mediterranean-ka.

Midawga Yurub ayaa ku tallo jira in hawlgalka ciidan uu bilaabmo bisha soo socota, iyadoo xaruntiisu noqon doonto caasimada Roma ee dalka Talyaaniga.

Ciidammada badda ee Midowga Yurub uu diyaarinayo ayaa waxaa hoggaamin doona Adm Enrico Credendino, oo u dhashay dalka Talyaaniga ahaana taliyihii hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad baddeeda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa xakameyn la’ muhaajiriin sharci darro ah, oo kaga imanaya qaaradaha Afrika iyo Aasiya, iyaga oo si ay Yurub usoo gaaraan soo mara badda Mediterranean-ka.

Dalka UK ayaa door muhiim ah ka qaadanaya sidii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu u meel marin lahaa, qaraar Midowga Yurub u oggolaanaya in uu cudud miletari u adeegsado kuwa dadka soo tahriibiya.

Balse safiirka Liibiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Ibrahim Dabbashi, ayaa sheegay in dawladdiisa aan lagala tashan hawlgalka la doonayo in dhulkeeda laga fuliyo.

Waxa uu intaa ku daray in qorshaha Midowga Yurub ee ah burburinta doomaha kuwa wax tahriibiya ay ka dhalan karto khasaare ku yimaada dadka rayidka ah.

In ka badan 1,800 oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan 2015-ka ku dhimatay badda Mediterranean-ka

Somalilandpost.net.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories