HomeMidawga Yurub oo ka Shiray Wax-ka-Qabashada Qulqulka Qaxoontiga

Midawga Yurub oo ka Shiray Wax-ka-Qabashada Qulqulka Qaxoontiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Brussels (SLpost) – Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa ku kulmay caasimadda dalka Belgium ee Brussels iyaga oo ka baaraandegaya inay ciidamo gaadhaya illaa 400 oo askari u diraan si ay u ilaaliyaan xuduudaha ay ka soo gelayaan dadka socotada ahi.

Sidoo kale waxaa Midawga Yurub ay ka fekerayaan inay abuuraan goobo dadka lagu baadho oo laga hirgeliyo wadamada laga soo galo ururka Midawga Yurub.

Qorshahan Qabyada ah ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub ay qaadayaan dedaallo degdeg ah oo lagu adkaynayo ammaanka xuduuddaha Midawga Yurub.

Hogaamiyeyaasha dalalka bartamaha Yurub iyo kuwa Balkanska ayaa isku raacay qorshe 17 qodob ka kooban oo wax lagaga qabanayo mushaakilka dadka muhaajiriinta ah.

Waxaa ka mid ah in cunno iyo hoy la siiyo 100,000 oo qof oo daadsan halka loo sii maro balkanka, iyadoo kala bar dadkaasna ay joogaan Giriigga.

Dalalka ayaa sheegay inay sare u qaadayaan ilaalinta xuduudaha oo ay hagaajinayaan iskaashigooda.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Jean-Claude Juncker, ayaa dalalka Balkanska ugu baaqay in aanay si jahwareer leh isu soo dhaafin qaxootiga.

Waxaa la soo jeediyay in Turkiga uu qaado tallaabooyin uu ku xakamaynaya qulqulka muhaajiriinta ka talaabayso xadkiisa si ay u gaadhaan Giriiga.

Isbuucii la soo dhaafay dalka Giriiga waxaa maalin walba soo gaadhayay 9 kun oo muhaajiriin ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd tan iyo billowgii sandkan.

Arrimaha kale ee Midawga Yurub ay isla jeexjeexayaan waxaa ka mida sidii ay maraakiib dagaal ugu diri lahaayeen xeebaha dalka Giriiga.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories