HomeMidabka Casi waxa uu soo saaraa Quruxda Gabadha

Midabka Casi waxa uu soo saaraa Quruxda Gabadha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankWashington (SLpost)- Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in haweenku ay inta badan xidhaan dhar midab cas leh si ay u soo jiitaan indhaha ragga.

Cilmi-baadhistan oo laga qayb-geliyay rag kala duwan, waxa la tusay sawirka haweenay lagu muujiyay midibada kala duwan taas oo ay soo baxday inay aad soo jiidasho u leedahay markii ay xidhnayd dharka midabka casaanka ama lagu nashqadeeyay rinji casaan ah.

Daahfurkan cusub oo ay samayeen khubaro Maraykan ah hoggaamiyena u ahaa Prof. Andrew Elliot oo ka tirsan jaamacaddaRochesteree MagaaladaNew York, waxa ay muujisay in midabka casaanku u taagan yahay astaan jacayl; taas oo ah aragti ay in badan aaminsanaayeen dadyowga ka ganacsada ama sameeya kaadhadhka iyo ubaxyada loo adeegsado Jacaylka.

Professor Elliot, waxa uu leeyahay in inkasta oo midabka casaanku uu yahaykanjidhka bani’aadamka ahi uu ka sameysan yahay, uu haddana si hoose oo qota dheer uu isugu xidhayo noolaha iyo jaceylka.

Waxa uu sheegay in saynisyahanada ay muujiyeen in unugyo khaas ah oo raggu ay leeyihiin si gaar ah usoo jitaan haweenka marka ay sitaan dhar ama waxyaabo midabka casaanka ahi uu ku dheehan yahay.

Cilmi baadhayashaa ayaa tusaale ahaan usoo qaatay, daayeerka oo ah xayawaanka ugu soo dhow bani aadamka,waxayna yidhaahdeen in daayeerka dheddig ay soo bandhigto midabka casaanka, marka ay ay ugxan sidayaasheedu diyaar u noqdaan bacriminta, taasi ookanlab u direysa astaan ah in loo baahan yahay.

Daraasaddan ayaa waxaa ku lug lahaa in ka badan boqol rag ah oo dhigta jaamacado, kuwaasi oo la tusay sawirrada haween kala duwan, waxaana la weydiiyay inay kala qiimeeyaan sida ay haweenkaasi u kala qurux badan yihiin iyo sida ay u kala xulan lahaayeen.

Raggaasi waxaa  la tusay haweenay dhowr sawir oo kala duwan kusoo muuqatay, oo mid ka mid ah sawirada midabka casaanka looga dhigay naqshad iyo kuwa kale oo lahaa midabada caddaanka, cagaarka iyo bunniga.  Iyada oo sawirku uu ahaa mid kaliya iyo haweenay, ayaa raggii su’aalaha la weydiiyay waxay yidhaahdeen in haweenayda ay tahay mid aad soo jiidasho u leh marka ay kasoo muuqatay sawirka midabka cas lagu naqshadeeyay ama frame-ka looga dhigay.

Dhanka kale, cilmi baadhayaasha ayaa markaa kadib koox gabdho da’ yar ah weydiiyay inay qiimeeyaan haddii haweeneyda sawirrada daraasadda lagu muujiyay ay qurux leedahay, hase yeeshee waxay ogaadeen in midabka casaanka ahi aanu wax saameyn ah lahayn marka haweeney ay qiimeyneyso quruxda haweeney kale.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories