HomeMid Kamid ah Odyaasha Ugu Magaca Weyn Gobolka Awdal oo Ugaaska...

Mid Kamid ah Odyaasha Ugu Magaca Weyn Gobolka Awdal oo Ugaaska Beelaha Gadabuursi Gudoonsiiyay Duco Iyo Dardaaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame, (SLpost)-Odeyga Guud ee Beelaha Maxamed-case ee Dega Gobolka  Awdal islamarkaana kamid ah Odyaasha ugu faca iyo magaca weyn Gobolka ,  Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, ayaa barqdii maanta Gudoonsiiyay, Ugaaska beelaha Gadabuursi duco iyo dardaaran dhaxal gal ah kadib markii uu Salaadii Jimce kahor Guriga uu Degan yahay  ee Magaalada Boorame uu ku booqday Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, Odayga Guud ee Beelaha Maxamed-Case, oo uu Gurigiisa maanta ku booqday Ugaaska beelaha Gadabuursi,ayaa sheegay in uu sugayay  mudo badan imaatinka Ugaaska Beelaha Gadabuursi, isagoo ka mahad celiyay in illaahay ku simo isagoo nool in uu ugu yimaado Gurigiisa, waxaana kamid ahaa hadaladaii Xaaji Daahir Cilmi u jeediyay Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi “Waxaan goob joog ka ahaa munaasibadii lagugu caleema-saarey ee Muqdisho, maantana ilaahay ayaa nakaa soo gaadhsiiyay anagoo nool  inaad wadankeenii ku soo noqoto,waxaan kuugu ducaynayaa inaad beelaha Gadabuursi, ku hogaamiso wadajir iyo cadaalad, taladoodana lagugu ogaado,waxaanan kugu dardaarayaa, inaanad maqlin waxa lagu kala qeybinayo dadkaaga una debcin wixii tafaaruq iyo kala qeybsanaan wada, mar labaad ayaan anigu cumaamada ku saarey Ugaas-kayagiiyow, waa mid

odaynimo taasi, waanu joognay Caleema-saarkaagii hore waxaan kugu ogahay duco iyo dardaaran”Sidaa waxa yidhi Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, Odeyga guud ee Beelaha Maxamed-case kana mid ahaa duqeydii mudada badan u talinaysay Gobolka Awdal.

Waxa kale oo Xaaji Daahir Cilmi Kheyre si kooban uga waramay Taariikhda Ugaasyada Samaroon, oo uu ku sheegay in ay aheyd mid dhaxal gal ah oo laga yaqaano guud ahaanba dhulka Soomaalidu degto, isagoo faafaahin ka bixiyay mudadii Ugaas Nuur, iyo doorkiisii, Sidoo kalena waxa uu madashaasi ka sheegay in uu wakhtigan yahay Da, islamarkaana uu xilkii uu hayn jirey ee Odaynimo ku wareejiyay Suldaan C/raxmaan Muuse Geele.

Madashan uu Mid kamid ah odayada ugu waaweyn ee beelaha Samaroon iyo Gobolka Awdal oo uu Ugaaska Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ku booqday Guriga Xaajiga ayaa aheyd madal ay ka muuqato farxad iyo muuqaal qurux badan, waxana goob joog ka ahaa duqey badan oo kasoo jeeda beelaha uu hogaamiyaha u yahay Xaaji Daahir Cilmi Kheyre, iyo madaxdhaqameedka Ugaaska la socday.

Xaaji Daahir Cilmi Kheyre oo ah odayaasha ugu magaca iyo da,da weyn Gobolkan Awdal iyo Somalilandba ayaa, la sheegay in uu kamid ahaa duqeydii reer Awdl ee Ugaaska ku caleema saarey Magaalada Muqdisho, una geeyay Xukuumadii Xiligaa ka talinaysay dalki hore la isugu odhan jirey Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories