HomeMid Kamid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal oo Xukuumada Ku Eedeeyay in ay...

Mid Kamid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal oo Xukuumada Ku Eedeeyay in ay Ku Lug Leedahay Rabshado Ka Dhaca Boorame

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame, (SLpost)- Suldaan Cabdiraxmaan Muuse Geele oo kamid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ayaa, Xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay ku lug lehayd rabshado ka dhaca Gobolka Awdal, gaar ahaana Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolkaasi.

Suldaan Cabdiraxmaan oo qaar ka mid ah Warbaahinta ugu waramay Huteelka Rays ee Magaalada Boorame, ayaa caddeeyay in Xukumaddu samaysay abaabul rabshadeed ay la damacasanayd in ay ka dhacaan Magaalada Boorame Todobaadkii hore, taas oo uu waliba ku dhaliilay saraakiisha Ciidanka

Boolisku in ay awli qaadin talaabooyinkii loo baahnaa madaama ay fashilmeen shakhsiyaadkii ka danbeeyay falalkaa nabedgelyo daro laga waday Gobolka Awdal.

Suladaanku isagoo arintaa kahadlaya waxa uu yidhi, “Waxaa jirtey in Ciidamadu Boolisku ay hada gacanta ku dhigeen dad badan oo lagu hayo dhamaanba cadeymihii sheegayay falal amni daro oo

ay wadeen doonayeena in ay ka dhacaan Gobolka Awdal, kuwaas oo markii hore aad moodaysay in ay kawada shaqeeynayeen Masuuliyiinta Booliska Gobolka qaarkood, oo dad rabshad wadayaal ah taageerayay, kuwa askartu qabqabateyna sii daayay, oo ilaahay markii danbe ku celiyay meesha

ilayn arin culus ayaa socdaye, aniga lafteyda in si been ah la ii kexeeyay rag odoyaal sheeganaya oo ah maanta danbiilayaasha koowaad ayaa I taxaabay, haseyeeshee markii danbe waan ka dagaalamay arintaasi hadaba waxaan leeyahay hadaan lasoo qabqaban raga daaha danbe u taagan arimaha dhacay waxaanu aaminsanahay in Xukuumadu ka danbeysay rabshado ka dhaca Gobolka Awdal”Ayuu yidhi Suldaan C/raxmaan Muuse Geele.

Waxa kale oo uu kahadlay, isagoo jawaab ka bixinaya hadal uu xaley Warabaahinta kasii daayay mudane katirsan Golaha Guurtida oo kahadlayay arintii dhamaatay ee Ugaaska Beelaha Gadabuursi waxa uu

Yidhi, “Waxayaabaha aanu is leenahay malaha Xukuumadu Gobolkan waxay u haysaa cadaawad gaar ah waxaa kamid ah iyadoo lala wada yaaban yahay talaabadii ay huteelka rays kaga dhawaaqeen labadii Wasiir iyo xubnihii Gurrtida ahaa eek ala qeybiyay reer Awdal iyagoo tix raacay laba shakhsi oo cadheysan ayaa hadana, waxa dadweynaha reer Awdal ka daadagi la,a hadalkii aan meelna haysan ee ninka layidhaa gacan xaley(habeen-hore) kaga hadlayay tvga waxaan leeyahay hadalo hore ayaan kaaga soo joognay oo aad laheyd reero kamid beelaha Somaliland ayaa is dili doona, waxaas oo aan hadal macquul ah aheyn ,waxaase kuu qurux badnaa inaad tidhaahdo reer Awdalow Xukuumada yaa doonaysa inaad is dishaane is dila, kaa yeeli mayno sababtoo ah sheekada Ugaasku wey dhamaatey samaroon ayaa u dhamaa soo dhaweyntiisa anigoo kamid ah Salaadiinta beelaha Maxamed-Case ayaa soo dhaweyntiisa door weyn ku lahaa waa Ugaaskayagii jed ka jed ayuu Ugaas ahaa waa maxay sababta

aad mar danbe arinkaas Warbaahinta usoo marinaysaa waa is-dila laakiin,  is dili mayno kaana yeeli, ee aamus oo is aqri sida ay isu

qarinayaan ragii aad la socotay”Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Ugu danbeyntii Suldaan C/raxmaan Muuse Geele, waxa uu usoo jeediyay Madexweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, in reer Awdal kukala ogaan doonaan in uu dalku u siman yahay iyo in kale talaabada ay ka qadaan ragii daaha danbe u taagnaa rabshado ka dhaca Gobolka Awdal, waxaanu carabka ku dhuftey in aanay marna reer Awdal ka arag Xukuumada balanqaadkii Xisbiga Kulmiye ku beer-laxowsan jirey Shacbiga Somaliland.

Suldaan C/raxmaan Muuse Geele, oo kamid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ayaa, hore uga mid ahaa Salaadiintii ugu mayalka adkaa Xisbiga Kulmiye, wakhtigii uu ahaa mucaaridka.

Somalilandpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories