HomeMid ka mid ah Waddamada Ugu Faca-wayn Qaaradda Yurub oo Cunaqabatayn ku...

Mid ka mid ah Waddamada Ugu Faca-wayn Qaaradda Yurub oo Cunaqabatayn ku soo rogay Israel

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Israel oo 161 Masaajid ku burburisay Gaza

London (SLpost)- Waxa isa soo taraya cadaadisyada Caalamiga ah ee dawladda Yuhuudda kaga imanaya waddamo badan oo xidhiidh dibloomaasiyadeed iyo mid ganacsi ka dhexeeyey, kuwaas oo ka gubtay ficillada bani’aadamnimada ka baxsan ee Ciidamada Israa’iil ku hayaan Shacabka Falastiin ee ku dhaqan Marinka Gaza.

Waddamada qaarkood ayaa xidhiidhka dibloomasiyadeed u gooyey Israa’iil isla markaana kala baxay magaalada Tel Aviv Safiirradii u fadhiyey, halka qaarkoodna ay u jareen xidhiidho ganacsi oo ka dhexeeyey.

Shan Waddan oo ku yaala Qaaradda Latin Amerika, ayaa xidhiidhka Dibloomasiyadeed u gooyey Dawladda Yuhuudda, kuwaas oo kala ah Brazil, Chile, Ecuador, El Salvador iyo Peru oo dhammaantood safiirradooda uga yeedhay dalka Israel.

israeliWaddanka Spain ee Koonfurta qaaradda Yurub ku yaala, ayaa joojiyey dhammaan farsamadii dhinaca Hubka iyo saanadda milatari ee ay ka iibin jireen dawladda Israa’iil, sababo la xidhiidha dagaalka axmaqnimada leh ee ka dhacay Gaza, kaas oo galaaftay nolosha shacab badan oo reer Falastiin ah.

Sida ay qortay jariiradda El Pais, go’aanka dawladda Spain gaadhay oo ah mid siyaasadeed ayaa ka soo baxay kulan ay isugu yimaaddeen guddi ka kooban madaxweynaha, Waax Maaliyadda, Wasaaradaha Ganacsiga, Arrimaha Dibadda iyo Gaashaan-dhigga.

Sida wargeyska baahiyey, dalka Spain, waxa uu ka iibiyey Israa’iil sannadkii hore Saanad-milatari oo qiimaheedu dhan tahay 5 Milyan oo Yuuro.

Go’aanka dawladda Spain ku joojisay xidhiidhka ganacsi ee dhinaca Hubka ay la lahayd Israel, ayaa ku soo beegmay saacado yar ka dib markii ay dawladda Ingiriiska shaacisay inay ka fiirsanayso heshiis hubka iyo farsamada milatariga ah oo ay ka iibiyaan Israel.

Afhayeen u hadlay dawladda Ingiriiska, ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan ogolaanshiyaha lagu fasaxay Agabka milatari ee loo dhoofiyo dalka Israel, waxaanu tan ku sababeeyey mid lagaga jawaabayo hawl-gallada milatari ee Israel ka fulinayso Gaza.

Masaajiddo la burburiyey

Wasaarada Awqaafta ee dawladda Falastiin, ayaa shaaca ka qaaddatay inay Israa’iil duqeymo cirka, dhulka iyo badda ah ku burburisay 161 masaajid oo ku yaala Marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta ee Falastiin Yousef Dois, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay dhulka la simeen 41 masaajid halka 120 ka kalena qaybo ka mid ah la buburiyey muddadii ay ciidamada Yuhuudda hawl-galka Milatari ka wadeen Marinka Gaza oo sidoo kale lagu bartilmaameedaday goobo badan oo Diimeed.

Wasiirku waxa uu sheegay inay Israa’iil uga faa’idaysanayso iyada oo ka war-haysa in dunida oo dhami isha ku hayso Gaza isla markaana ay u isticmaalay sidii ay uga joojin lahayd Muslimiinta doonaya inay ku cibaadaystaan Masjidul-Aqsa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories