HomeMid ka mid ah Saraakiishii Fuliyey Inqilaabkii ugu horeeyey qaaradda Afrika oo...

Mid ka mid ah Saraakiishii Fuliyey Inqilaabkii ugu horeeyey qaaradda Afrika oo Hargeysa ku geeriyooday iyo Madaxweynaha oo ka hadlay shaqsiyaddii Marxuumka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

siilaanyo1111Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ehelkii, qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ka tacsiyeeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Deyr) oo maanta ku geeriyooday laguna aasay magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Marxuum Deyr, ayaa ka mid ahaa Saraakiil dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo fuliyey Af-gembi fashilmay oo lagu sameeyey Dowladdii Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadkii 1961-kii kaddib markii cadaalad-darro lagala kulmay Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya, Isku-deygaas Af-gembi oo lagu tilmaamo inuu yahay kii ugu horreeyey ee laga fuliyo qaaradda Afrika kaddib markii ay guumaystayaashii reer Yurub xornimada ka qaateen inta badan dalalka Afrika sannadkii 1960-kii oo lagu magacaabo sannadkii xornimada Afrika.

Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, madaxweynuhu waxa uu sifeeyey shakhsiyaddii marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay hannaankii dib-u-dhiska iyo nabadeynta dalka, waxaanu Eebbe uga baryey marxuumka inuu naxariistii Janno ka warbaabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Dayr), oo taariikhda maanta ee 19/09/2015 ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.

Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Dayr) waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyey ee qaybta ka ahaa ciidamada wakhtigii ay Somaliland qaadatay xoriyada 1960kii, isagoo ka mid ahaa 1961kii koox saraakiila oo ka qaybqaatay inqilaabkii fashilmay oo ay doonayeen saraakiishaasi in ay ku soo celiyaan midnimadii lagu hungoobay, ahaana wakhtigaa maayar ku xigeenka Muqdisho.

Marxuumku isaga oo halkii ka sii wada dedaalkii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland waxa uu ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo farxad kuwada noolaanshaha beelaha wada dega somaliland isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka 1996-1998kii waxa uu ahaa gudoomiye iyo Duqa Berbera ka ahaa Gobolka saaxil.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,”sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyadii marxuumka.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories