HomeMid ka mid ah Raggii Hoggaaminayey Urur-siyasadeedyadii Hadhay oo Maanta Xil looga...

Mid ka mid ah Raggii Hoggaaminayey Urur-siyasadeedyadii Hadhay oo Maanta Xil looga Magacaabay Dawladda Soomaaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho (SLpost)- Guddoomiyihii urur-siyaasadeedkii GURMAD ee ka mid ahaa ururradii isu-diiwaangeliyey inay ka qayb-qaataan doorashadii Goleyaasha Deegaanka Somaliland, balse ku hadhay qiimayntii Guddida Diiwaangelinta Mr Nuur Faarax Xirsi, ayaa maanta dawladda Soomaaliya u magacowday xil safiirnimo.

Reysal-Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Shirdoon oo maanta Golaha Baarlamanka horgeeyey xubno ka mid ah Wasiirradii uu magacaabay si loo ansixiyo, ayaa golaha hortiisa kaga dhawaaqay Shan Safiir oo Cusub oo dalkaasi Soomaaliya u fadhiisan doona Waddamada Itoobiya, Talyaaniga, Belgium, Midowga Yurub, Malaysi iyo Tanzania.

Nuur Faarax Xirsi oo markii ururkiisu ku hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangelinta ururrada Siyaasadda socdaal dudmo ah ku tagay magaalada Muqdisho, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Danjiraha Soomaaliya u fadhiisanaya Waddanka Malaysia.

Danjirayaasha la ansixiyay ayaa waxay kala yihiin Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo magacaabay daniraha Soomaaliya ee Talyaaniga,  Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Cali Siciid Faqi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgium iyo Midowga Yurub, Nuur Faarah Xirsi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia iyo Siciid Nuur Yuusuf oo horay u ahaa danjirihii Soomaaliya ee Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.

Nuur-FaaraxGuddoomiyihii urur-siyaasadeedkii Gurmad Nuur Faarax Xirsi, ayaa noqonaya shakhsigii labaad ee isla markii urur-siyaasadeedyadoodu ku hadheen qiimaynta guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyaga oo caddaalad-darro tirsanaya mansab  u doontay dawladda Soomaaliya, waxaana ka horeeyey guddoomiyihii urursiyaasadeedkii NDP Foosiya Yuusuf X. Aadan oo dhammaadkii Bishii October ee sannadkii 2012kii ka degtay magaalada Muqdisho, wakhtigaas oo dalka Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Cusub, iyada oo haatan ku magacaaban Reysal-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Debedda ee dalkaasi Soomaaliya.

Bishii December ee sannadkii 2011 oo ku beegnayd wakhtiyadii ay samaysmayeen urur-siyaasadeedyadii isu-diiwangelinayay ka qayb-qaadashada doorashadii deegaanka,  ayaa magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay Ururka Gurmad, waxaana guddoomiye loogu doortay Nuur Faarax Xirsi.

Muddadii lagu gudo jiro ololaha iyo Taageero-raadinta ururrada, hawl-gallada ururka Gurmad, ayaa ku koobnaa ama ku badnaa gobollada Bari ee dalka, Gaar ahaan magaalada Burco oo uu taageerayaal badan ku haystay, haseyeeshee waxa ka xoog-roonaaday siyaasiyiin ruug-caddaa oo ay isku beel ka soo jeedaan, kuwaas oo kala hoggaaminayey Ururradii Waddani iyo Umadda, taas oo u saamixi weyday in Ururkiisu ka soo gudbo Qiimeyntii Kala reebista ururrada Siyaasadda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories