HomeMid ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu Miisaanka CulusGabiley oo Xabsiga Loo Taxaabay...

Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu Miisaanka CulusGabiley oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Sababo loo Aanaynayo Xadhiggiisa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Gabiley (SLpost)- Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah madaxa Dhaqameedka ugu miisaanka culus gobolka Gabiley, ayaa maanta abaaro 12:30 duhurnimo  Xabsiga loo taxaabay, waxaana amarka xadhiggiisa bixiyey Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geeddi, sida uu soo ku soo warramay Wariye Cabdikariim Muxumed Cadde oo khadka telefonka kula xidhiidhay Caaqika isaga oo ku xidhan Saldhigga Dhexe ee Gabiley.

caaqil maxamed cabdi qawdhanLama oga sababta iyo ujeeddada Rasmiga ah ee ka dambaysa Xadhigga Caaqilka oo la sheegay inaan loo marin sifaha Sharci ee jidaynaya xadhiggiisa, isla markaana aan waaran Maxkamadeed oo soo-qabashadiisa Xalaalaynaya, sida uu Wariyaha u xaqiijiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Gabiley oo sheegay inaanu Waxba kala socon Xadhigga Caaqilka

Sababaha Lagu Xidhiidhin karo Xadhigga Caaqilka

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ahaa cuqaasha la shaqayn jirtay xukuumadda, ayaa dhawaan mar uu warbaahinta ka hadlay, waxa uu si adag u naqdiyay  Saamiga Raashinkii mucaawimada dawladda Turkiga ugu deeqday dalka, isaga oo ku dooday inay Xukuumaddu gobolka Gabiley u qoondaysay raashin loogu talo-galay degmo ahaan, waxaanu dhaliilo u jeediyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, in kasta oo maalin ka dib caaqilku raaligalin ka bixiyay hadalkii uu ku duray madaxweyne ku xigeen.

Hasayeeshee, sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno ilo u dhuundaloola arrintan, waxaa loo aanaynayaa xadhiga caaqilka inay sabab u tahay inuu abaabulay shir beesha uu Caaqilka u yahay maalintii shalay ku yeelatay  beer ku taala Ceel-giniiseed oo duleedka Woqooyi ka xigta magaalada Gabiley, iyada oo shirkaasna ay ka qayb-galeen madaxda gobolka oo badhsaabka gobolka Gabiley hormood ka yahay.

Si kastaba ha ahaatee, xadhigan Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, ayaa la odhan karaa, waxa uu sii hurinayaa xidhiidhka xukuumadda iyo Bulshada Gabiley oo muddooyinkii u dambeeyey aan wanaagsanayn.

Somalilandpost.net/Gabiley

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories