HomeMid ka Mid ah Maayarrada Magaallooyinka Somaliland oo la Xidhay oo Xadhigiisa...

Mid ka Mid ah Maayarrada Magaallooyinka Somaliland oo la Xidhay oo Xadhigiisa ku Xidhiidhiyey Saraakiil Bilayska ka Tirsan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxaa Igu Dhacay Inqilaab Xoogan Oo Waxa La Igu Handadey Qoryo, Waxaana Ka Dembeeyey….”

Hargeysa (SLpost) Maayar ku-xigeenka magaaladda Baligubadle Mawliid Jaamac Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay  kula kaceen fal ka baxsan anshaxa dawladnimada isla markaana ay xadhig sharci darro ah u geysteen xili uu marayay bartamaha magaaladda Hargeysa.

Guddoomiye kuxigeenka golaha deegaanka ee degmada Balligubadle Xil. Mawliid Jaamac Yuusuf oo xalay u warramay Telefishanka HCTV ayaa sheegey isla markaana farta ku fiiqay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo uu sheegay inay xadhig bilaa sabab ah u geysteen iyaga oo xataa ku xadgudbay xasaannadii qaranku siiyey xildhibaan ahaan. “waxaa igu dhacay inqilaab xoogan aniga oo safar shaqo ku jooga magaaladda Hargeysa, waxaan Sagaalkii subaxnimo la kulmay ninka la yidhaa Gaashaanle faysal Xiis oo Moobilka igala soo hadlay isaga iyo dareewalkiisa, markii aan imidna waxaan ugu imid gaadhigaygii iyagoo hareeraha ka taagan, isla markiiba waxa igu soo booday saddex askari oo hubaysan oo ana qoryaha igu qabtay, waana la igu kaxeeyay, markii aan idhi wax sharci ah oo aad igu kaxaysaan ma haysaan, waxay I yidhaahdeen xeer ilaalinta ayaanu qoraal iyo dhukumenti kaaga sidnaa, waxaanay noqotay wax la waayo, been ka sheegid xeer ilaalinta ah. Markii saldhiga la igeeyay OB-ga ayaa la igu qoray, waxaan ku idhi ; waar xasaanad baan leeyahay oo maayir ku-xigeen ayaan ahay ee maamulkii ha laygu yeedho, waxay iigu jawaabeen; Ma naqaano Maayare Gal!”. sidaas ayuu yidhi maayir ku-xigeenka magaaladda Baligubadle, oo wariyaha HCTV Aadan cabdi Ciidle ugu waramay Hargeysa, waxaana mar uu wariyuhu waydiiyay inay jirto wax kiis ah oo lagu eedaynaynayo iyo jiritaanka in boliisku ka dhaga adaygay xasaanada uu haysto ee golaha degaanka degmada Baligubadle ayaa waxa uu yidhi “sifo sharciya la iima soo marin, waxa la igu handaday, oo waxa la igu qabtay qoryo budhcadnimo ah, waxaana ka dambeeyay faysal Xiis oo isaga ayaa hawshaas watay. Waxa isna labeeya Maxamed-case oo Saldhiga haysta” sidaas ayuu yidhi.

Gebagebadii, maayir ku-xigeenka degmada Baligubadle mawliid Jaamac Yuusuf waxa uu ugu baaqay jananka ciidanka boliiska Sareeye Guuto Cabdilaahi fadal Iimaan inuu arrintaas wax ka qabto oo tallaabada ku haboon ee sharci ah ka qaado

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories