HomeMid ka mid ah cir-bixiyeennada ugu caansan Maraykanka oo Diinta Islaamka Qaadatay

Mid ka mid ah cir-bixiyeennada ugu caansan Maraykanka oo Diinta Islaamka Qaadatay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Washington, (SLpost)– Khabiirad ku xeel-dheer Cir-biyeennimada oo lagu magacaabo Sunita Williams, kana tirsan ciidamada badda Maraykanka iyo hay’adda NASA, ayaa daboolka ka qaadday in go’aankan caqiibada leh ee diinta Islaamka ku gashay ka dib markii, sida ay sheegtay, ay si dhab ah oo aan shaki ku jirin u xaqiiqsatay in Diinta suuban ee Islaamku ay tahay mid jiritaankeeda aanu wax madmadaw ahi saarnayn, oo ay tahay diinta kaliya ee  ay ku jirto liibaanta aduunyada iyo ta aakhiraba.

blank
Sunita Williams

Sunita oo 19 September, 1965kii ku dhalatay dalka Maraykanka, isla markaana hawada sare dayax-gacmeed u raacday sannadkii 2007,  waxa ay ka dhawaajisay in go’aankan mustaqbalka leh ay qaadatay isla markii ay si nabadgelyo ugu soo noqotay dhulka safar dheer oo qaatay 197 maalmood oo ay hawada sare ku maqnayd.

Iyada oo warbaahinta uga warramaysay go’aankeeda waxay tidhi, “Illaahaybaa mahad leh oo khaatumada ii waafajiyay, markii uu dayax-gacmeedku hawada sare ku jiray, waxaan Telescope (weyneyso) ku soo eegay dhulka oo dhammaantii midabkiisu Madaw ahaa, marka laga reebo Laba meelood (Dhibcood), oo barakaysan oo mucjiso ahaa oo aad iyo aad u nuurayay una iftiimayay oo kala ahaa magaalooyinka Makkah iyo Maddiina. Waxa kale oo ay tidhi, “Maaha wax muran ku jiro Islaamnimadayda, intii aan hawada sare ku sugnaa haba yaraatee wax jabaq iyo cod ah maan maqlayn marka laga reebo dhawaaqa codka eedaanka shanta salaadood ee ay waajibisay diinta Islaamka.”

blank
Labada Muuqaal ee Xaramka iyo Masjid Al-Nabawi ee la sheegay inay hawada sare ka soo qaadday

Haweenaydani waxay sheegtay in ay si xaqiiq ah ugu qanacday jiritaanka dhabta ah ee diinta Islaamka oo ah diinta kaliya ee xaqiiqda xanbaarsan, waxaanay xustay in ay jiraan cir bixiyeeno kale oo iyana la filayo in ay soo Islaamaan, iyada oo waxba kama jiraan ka soo qaadday warar si weyn ay saxaafadu u buunbuunisay oo tuhun lagu galinayay mawqifkeedan lagama noqdaanka ah ee ay ku soo Islaamtay.

Maaha markii ugu horaysay ee ay soo Islaaman cir-bixiyeeno, saynisyahano iyo dad kalaba waxaana tiro ahaan labadii sano ee u danbeeyay soo muslimay cirbixiyeenno aad u tiro badan, waxaana si weyn isu sii taraya oo maalinba maalinta ka danbaysa circa isku sii shareeraya werwerka ay diimaha kale ee ka qabaan diinta Islaamka oo noqotay Diinta kaliya ee ugu koriinka badan dhamaan diimaha dunida ee ay soo galaan dadka rumaynayaa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories