HomeMid ka mid ah Bud-dhigayaashii Fanka Soomaalida oo Maanta Ku geeriyooday magaalada...

Mid ka mid ah Bud-dhigayaashii Fanka Soomaalida oo Maanta Ku geeriyooday magaalada Burco iyo M/weyne ku-xigeenka oo tacsi u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

0Burco (SLpost)- Eebbe Naxariistii Janno ha ugu Deeqee waxa maanta magaalada Burco Marxuum Cismaan Maxamed Cabdikariim (Cismaan Gacanlow) oo ka mid ahaa budh-dhigayaashii fanka Soomaalida.

Marxuum Gacanlow oo muddo dheer ka mid ahaa tiirarkii Fanka Soomaaliyeed, hase yeeshee muddooyinkii ugu dambeeyay u leexday dhinaca Diinta iyo Alle-ka-cabsiga, waxa uu in muddo ahba u jiifay xanuun uu maanta u geeriyooday, waxaana aas qaran oo loo qabtay ka soo qayb-galay kumannaan ka mid ah Shacabka reer Burco.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxeynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray, bahda fanka iyo suugaanta, geeridii naxdinta lahayd eek u timid Cismaan Maxamed Cabdikariin (Cismaan Gacanlow) oo maanta April 25, 2013 lagu aasay magaalada Burco.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Shacabka iyo umadda kale ee Soomaaliyeed ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cismaan Gacanlow, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta guud ahaan meel ay jooganba isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid, ALLE ha u naxariistee MARXUUM, CISMAAN MAXAMED CABDIKARIIM (CISMAAN GACANLAW) oo ku geeriyooday Magaalada Burco Maanta 25/04/2013, laguna aasay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Abwaan weyn oo taariikh ku leh Fanka iyo suugaanta Soomaalida kana mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Salka u dhigay fanka iyo suugaanta.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo suugaanta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Allaa Mahadleh

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

DHEGAYSO HEESAHA CISMAAN GACANLOW


SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories