Home"Mid aan Idinka Aqbalayno maaha, nabadgelyadana Laydinkama Marti aha" - Saylici oo...

“Mid aan Idinka Aqbalayno maaha, nabadgelyadana Laydinkama Marti aha” – Saylici oo Hadal Kulul kula hadlay Madax-dhaqameedka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga magaalada Boorama, ayaa maanta kulan la qaatay Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey kulanka, ayaa sheegay inaanay xukuumaddu cidna u daba-fadhiisayn ilaalinta ammaanka oo ay masuuliyadeeda leedahay isla markaana aan la aqbali karin in Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Awdal ay iska soo afjari waayaan Dadka Amnigooda xumaynaya ee Jabhadaha ka dhex samaynaya deegaankooda.

Madaxweyne ku-xigeenka oo la hadlayey Madax-dhaqameedka gobolka Awdal, waxa uu yidhi, “Mid aan idinka Aqbalayno maaha, nabad-gelyadana laydinkama marti aha, xukuumadda ayaa ka masuul ah, laakiin talo ayaan Isku leenahay”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Idinka yeeli mayno Inan halkaa jooga ayaanu la soo hadli kari waynay ama qaban kari waynay. Lacagna ku siin mayno Ninka hawshiisa qabsan kari waaya, Bari baa Lacag la geeyaa ayay Salaadiintu ku hadlayaan, taasi waa Nasiib-darro, masiibaa loo geeyaa bariga Lacagta ee Masiibo Ilaahay barya, waar Ilaahay ka baqa,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo muuqaalka Hoose

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories