HomeMicrosoft Oo Samaysay Aadame-U-Ekihii Ugu Horreeyey Ee Awood U Leh In Uu...

Microsoft Oo Samaysay Aadame-U-Ekihii Ugu Horreeyey Ee Awood U Leh In Uu Talefishannada War Ka Akhriyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Beijing (SLpost)- Dalka China ayaa soo bandhigay Aadame-u-ekihii abid ugu horreeyey ee awoodi kara in uu talefishanka ka hadlo. Aaladdan oo loo ekeysiiyey ruux dumar ah waxaa loo bixiyey Shiyaaw (Xiaoice) waxaana samaysay shirkadda caanka ah ee Microsoft. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay Talefishanka Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya in Shiyaawi ay tahay Aadame-u-eke aad uga garaad badan kuwii hore loo samayn jiray, waxa ay leeyahay muuqaal aan laga garan Aadamaha iyo cod aad u qurux badan oo u eeg codka dadka Shiinaha ah, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay barnaamij toos ah oo subax kasta soo gala ku yeelan doonto talefishanka, taas oo ka dhigaysa Aadame-u-ekihii (Robbot) abid ugu horreeyey ee shaqada noocan ah loo igmado.

Aadame-u-ekahan saxafiga laga dhigay waxa uu awoodayaa in uu sida aadamaha caadiga ah u soo jeediyo wararka cimilada, iyo weliba in uu sharraxaad dheeraadd ah ka bixiyo dhacdooyinka waaweyn ee cimilada la xidhiidha wawxa aanu yeelan doonaa barnaamij subax kasta soo gala oo toos hawada looga daawan doono isla marka uu ku jiro.

Shiyaawi waxaa ku rakiban aalado iyo garaad sancays tiknoolajiyadeed ah oo aad u casriya, taas oo u suurtogelisay in sida aadamaha caadiga ah ay hawshan u gudato, wax aanay durbadiiba taageero iyo soo dhoweyn badan ku heshay barnaamijyadii bilowga ahaa ee dadka la tusay. Waxaa la rajaynayaa in farsamadan ay shirkaddu sii ballaadhin doonto una sii gudbin doonto Maraykanka iyo dalal kale.

Badhtamihii sannadkan ayaa ay ahayd markii khubarada tiknoolajiyaddu ay ku guulaysteen in ay sameeyaan Aadame-u-eke kale oo saxafi ah, kaas oo awood u leh in uu daqiiqad keliya ku qoro maqaal ka kooban Kun kelmadood.

Si kastaba ha ahaato ee samaynta Aadame-u-ekeyaashan shaqooyinkii Aadamaha caadiga ah qabanaya ayaa dunida ka dhaliyey dood la xidhiidha wax-tarkooda iyo wax yeelladooda midka badan. Iyo in la isweydiiyey in sannadaha soo socda ay Aadame-u-ekuhu (Robbots) suuqa ka saari doonaan shaqooyinka dadka caadiga ahi qabtaan, taas oo sii kordhin doonta culayska shaqo la’aanta ee imikaba dunida haysta.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories