HomeMichael Rubin oo sharraxay Siyaasadda Maraykanka ee Bariga Afrika iyo Somaliland

Michael Rubin oo sharraxay Siyaasadda Maraykanka ee Bariga Afrika iyo Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Maraykanka ayaa xilligan si xooggan u danaynaysa inay fadhiisimo ay ciidamadooda baddu ka hawl-galaan ka samaystaan Woqooyiga Badweynta Hindiya oo ay ku jiraan Biyaha Badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay Michael Rubin oo ah aqoonyahan ka tirsan Machadka American Enterprise Institute oo ah xarun samaysa daraasaadka siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Difaaca.

Michael Rubin oo todobaadkan khudbad ka jeediyey Jaamacadda Hargeysa,  waxa uu ka warbixiye istaraatarjiyadda Siiyaasadda Maraykanka ee ku wejahan qaaradda Afrika, gaar ahaan mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrika, waxa uu xusay in dowladda Maraykanku ku hawlan tahay sidii ay quwadaha kale ee caalamka ee loollanku ka dhexeeyo uga dheerayn lahayd saamaynta siyaasadeed iyo Milatari ee mandaqadda Bariga Afrika iyo Koonfurta Jasiiradda Carabta.

blankAqoonyahanku waxa uu sheegay in dowladda Maraykanku ciidamadeeda badda ka rarayso marin-biyoodka Gacanta Persia oo uu sheegay inaanu xilligan muhiimad u lahayd dalkiisa siyaasad ahaan, sidaa awgeed ay hawl-gallada Ciidamadooda badda u soo rarayaan Woqooyiga Badweynta Hindiya oo xilligan ay ka hawl-galaan Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.

Isaga oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Markaan wareystay Qaar kamida Saraakiisha Ciidanka Badda ee Maraykanka ee hawlgabka ah Waxay ii sheegeen in Maraykanku Istaraatajiyad ahaan danaynayo inuu meel ka dago Waqooyiga Badweynta Indiya oo ay imika rabaan in ay kasoo aag badashaan Gacanka Pershiya. Waxaanu rabnaa in aanu saldhig ciidan halkaasi ka samayno annaga oo iska ilaalinayna in aanu istaagno meel aanu istiraatajiyad ahaan u nuglaanayno dalaka dhiggayaga ah.”

Aqoonyahan Michael Robin waxa uu qodobbeeyey sababo ku kallifaya dowladda Maraykanka inay hawl-gallada Ciidamadooda Badda u soo raraan woqooyiga Badweynta Hindiya, waxaanu yidhi, “Markaan usoo noqdo arrinta ciidamada Maraykanka, waxaan kasoo shaqeeyay Wasaaradda Difaaca, walaw aanan ka tirsanayn Ciidamada, waxaan ka shaqeeyay waaxdeed rayidka, waxaan rabaa in aan idiin iftiimiyo in aanay ciidamada maraykanku rabin in ay kusii nagaadaan Biyaha Gacanka Pershiya, sababahan awgood;

  1. Waxaynu ognahay in Maraakiibta Maraykanka ee halkaasi ku sugani ay kaabiga ku hayso Iran, Istaraatajiyad ahaan ma rabno in aanu halkaasi sii joogno
  2. Gacanka Pershiya ama Gacanka Carbeedku waa mid ballac ahaan aad u yar oo cidhiidhi ah, sidoo kalana ay biyihiisu aad u dhawyihiin gun ahaan, meelaha ugu qotoda dheer biyihu gacankani waxay qotadoodu tahay 100 mitir.
  3. Gacanka Pershiya ma aha Deegaan Biyood furan, waxa ku dhex daadsan Jasiirado fara badan, kuwaasi oo ay mid waliba leedahay xad-biyeed u gooniya (territorial water), taasina waxay ku qasbaysaa in ay Maraakiibtu ku gooshto marin biyood aad u dhuuban. Taasina Istaraatajiyad ahaan way nugleynaysaa Fadhiyada uu Maraykanku halkaasi ku leeyahay, gaar ahaan marka ay noqoto Iraan oo haysata doonyo aad u dheereeya iyo Diyaarado dagaalku oo waqti-gaaban ku dul haadi kara biyahaasi.” Sidaas ayuu yidhi Michael Rubin.

Michael Rubin oo ka mid ah aqoonyahanno Maraykanka u dhashay oo u ololeeya qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu sheegay inuu dowladda Maraykanka ku dhiirrigeliyey inay saldhig milatari ka samaystaan Dekedda Berbera maadaama uu Maraykanku xilligan Ciidamadiisa ka soo rarayo Gacanka Persia oo ay ku taallo jasiiradda Jabal Ali ee dalka Imaaraadka Carabta oo fadhiisin u ah Ciidamada Maraykanka.

Isaga oo arrimahan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Haddaba haddii uu Aqalka Bentagonku Istaraatajiyad ahaan mawqifkaasi taaganyahay, hadaba halka ay ka joogaan Jabal Aliga Imaraadka Carabta, maxaynu ugu xisaabtami weynay Berbera oo leh Marso badeed heersare ah oo dib-loo-hagaajiyay iyo Madaar wanaagsan oo aynu hore werkiisa u haynay.”

Mr Rubin waxa uu rejo fiican ka muujiyey xidhiidh dibloosiyadeed oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka maadaama sida uu xusay uu Maraykanku xilligan wax weyn ka beddelayo siyaasaddiisa ku wejahan qaaradda Afrika, waxaanu hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan doonayaa in aan hal wax idiin caddeeyo, taasi oo ah, inkasta oo ay Siyaasadda Maraykanka ee Afrika ku waajahani aanay dar-dar badan lahayn xilligan, haddana xilligani waa xilligii Somaliland, Mustaqbalku Bushaarooyin badanbu u hayaa Somaliland”.

Michael Rubin oo hore uga soo shaqeeyay Aqalka Pentagonka ama Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa xilligan ka hawl-gala Macadka American Enterprise Institute oo uu u qaabilsan yahay daraasaadka ku wejahan siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Gaashaan-dhigga ee dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka, Iran, Ciraaq, Kurdiyiinta iyo Turkiga.

 

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories