HomeMeydka Wiil aan la aqoonsan Cidda Dhashay oo laga helay Alleybaday iyo...

Meydka Wiil aan la aqoonsan Cidda Dhashay oo laga helay Alleybaday iyo Xaaladda magaalada oo xalay qasantay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

alaybadayHARGEYSA (SLpost)- Qof la dilay ayaa cawaysinkii xalay Meydkiisa laga helay magaalada Allaybaday oo ka tirsan gobolka Gabiley, waxaana la sheegay inuu ahaa Wiil yar oo 13/14 sano jir ah, isla markaana waxa Meydkiisa qaaday Ciidanka Ammaanka ee degmada, kuwaasoo baadhaya sida dilkaasi u dhacay, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen Saraakiisha Boolisku.

Taliyaha qaybta Ciidanka gobolka Gabiley oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey arrintaas, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ka bixiyo dilkaas, hase ahaatee xaqiijiyey Meydkaas laga helay gudaha magaalada Allay-baday, waxaanu intaas ku daray inay jiraan dad loo xidhay kiiskaas, kuwaasoo ay Ciidanka Ammaanku hawlgal ay sameeyeen isla markii meydka la helayba ka dib ay ku soo qabqabteen, kuwaasoo baadhisi ku socoto.

“Wuu jiraa (Meydkaasi), laakiin baadhis baa ku socota oo ka hordhici mayno wax war ahna ka bixin mayno illaa ay baadhistu dhammaato oo natiijo sugan la helo.” Sidaa ayuu si kooban u yidhi Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabiley. Waxaanannu sii weydiinnay in la garanayo Meydka la helay, waxaanu si kooban u yidhi; “Waa la garanayaa, waana deegaanka, laakiin magiciisa ma rabo inaan kuu sheego, kiiskana baadhis baa ku socota oo weli waa la baadhayaa…”

Warar kale oo Wargeyska Himilo ka helay Gabiley, ayaa tibaaxay in Meydkan la helay yahay Wiil 13/14 jir da’diisu tahay, magiciisana lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Xasan. Inkasta oo aan weli la caddayn sababta dilkiisu ku timi iyo cidda dishay toona.

Xaaladda magaalada Allay-baday, ayaa markii Meydka Wiilkaas lagu dhex-arkay xalay lagu soo warramay inay isu beddeshay mid qasan oo ay dadka qaarkood dhagax-tuureen Meheradaha iyo Xafiisyada Maamulka degmada, markii la garan-waayey cidda dishay, falkaas oo naxdin iyo argagax ku abuuray bulshadii magaalada joogtay. Inkasta oo xaaladdu markii dambe degtay markay Boolisku dad aanay tiradooda noo xaqiijin u qabqabteen kiiskaas, haddana waxa argagaxa keenay inay tahay markii ugu horreysay ee dhacdadan oo kale lagu arko magaaladaas, sida ay dadka deegaanka qaarkood sheegeen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories