HomeMeherkii Baaqday! Qormadii Saddexaad.

Meherkii Baaqday! Qormadii Saddexaad.

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Intuu dhegta Aleenka ku hayay Xaamud wuu riyaaqsanaa,  wuxuu la qushuucsana sida geesinnimada lehe ee ay uga gudoontay  dalabkiisi Xamdi, niyada wuxu ka sawiranaayay meherkii oo Maansoor ka socda, labadii qosy oo is hor fadhiya, Baashe oo malxiis u ah. Asxaabta o fooladaynaysa dhamaan iyo tahniyado aan kala go’ lahayn oo buux dhaafshay barakulankii Facebook wuxuu hoos u leeyahay “Allayhe bagga imisaad hanbalyuun diraysay oo aad kolba hebel u malxiisayay maanta waa maalintaadi,  dhamaan waa in asxaabtu kuugu hagar baxdaa sidii aad ugu hurtay nafta ee aad ula qabatay hareerta hawlihi guurkooga”

Markiiba waxay qorsheeyeen meherkii, waxay ku heshiiyeen meher qadarkiisu dhan yahay Konton giraam, laca kaash oo gabaatiya iyo lacag doolar oo yaradkiiya, markay isla qaateen waxxuu  waydiiyay Aabbaheed Naaleeye halka laga helo iyo nambarkiisa si uu tolkii ugu sheego oo arrinka labada qoys u wada galaan. Waxay u sheegtay nambarkii Aabbaheed, maqaaxi qaxwe macaan oo uu galabii fadhiistana way u tilmaantay. Waxay isla garteen in meherku dhaco toddoba cisho kadib oo ballantay dhigteena waa khamiista, labada reerna is arkaan oo ay galaan hawlaha kale inta qabyada ah dhankooda.

Dhankaa iyo dhankatoon isagoon eegin ayuu u dhabaabaceeyay Aabbihi marfasha uu fadhiisan jiray xagiisa, farxad awgeed wuxuu sugi kari wayay intuu gabbalku dhacaayo ee Aabbihii imanaayo guriga. Wuxuu soo socdaba wuxuu daf soo yidhi marfashkii, jiidh raggi qayilaayay. Salaanbay la boobeen waar Xaamud adeer galabta maxaad la xiimaysa ayuu yidhi oday Wacays la yidhaa oo ay odayga saaxiib ahaayen. Intuu odaygi bariidshay ayuu hore u galay fadhigii  “Aabbo waxaan doonayaa inaan kaala hadlo arrin muhiima ee debeda inno saar” waa saacadaha mirqaanku soo dego kicid daaye hadal kuma jiro odayga.

Intuu kacay oo macawistii dacalka laaladashay ayuu Xaamudna garabka soo qabsaday. Waxay isula baxeen marfashka dabidiisa, kaabadbay dabada saareen.  Xaamud oo qajilaaya ayaa intuu hoos u foorarsaday qori yarna gacanta middig ku qabsaday ku xar-xariiqay dhulka oo hadalkii bilaabay “aabboo waxaan la heshiiyay inan jaamiciyadda oo aan rabaa inaan guursado, waanu dhamaysanay hawlihii dhankayaga. Waa ii diyaar qarashkii aan ugu geed fadhiisan lahaa, gabaatigii iyo yaradkiiba. Waxaan u baahanahay inaad adiga iyo caaqilku u tagtaan inanta reerkooga oo aad ballan lasoo samaysataan una sheegtaan inaynu ka doonayno Xamda oo aanu heshiinay, boqolkaa doolar ku hawlgali caaqilka shidaal haka dhigtee hawsha waxaanu inanta isla garanay kahamiista danbe inay dhacdo. Nambarkii xaajigu waaka, waxa laga helaa maqaaxida Khayriyada ku taal galabtii ee la hadla oo balama odayada Aabbo”

Odaygii oo aad ugu farxay warka wiilkiisa maalintan oo kalena muddo sugaayay ayaa si kalsooni leh ugu ballan qaaday inay hawshaa gelyaan, duco iyo dardaaran ayuu gadhka u gashay, intuu madaxa u saalaxay ayuu u yidhi “ Aabbo arrin uguba maaha garabkaagan taaganahay waxaskta oo hawshaadaasi ku dhamaanayso waan yeelayaa, haddaan suldaanka iyo caaqilka reerkeena u tagayaa, siyaasiyiinta beesha iyo xildhibaankeena waan  ballaminayaa, maalintaa si balaadhan ayaanu kuu baal istaagaynaa,  xilweynbaan Xaamudoow isi saaraya ka werwer la’aw hawshaa Aabbo”

Xaamud arrinkii meelbu ku tiiriyay, wuxu wacay oo u u sheegay bushaarada warka farxadda leh Xamda oo ay isku ogaayeen inuu lasoo hadlo marka uu dhameeyo hawlaha. Wuxuu uga warramay halka xaal maraayo inuu Aabbihii u sheegay arrinkay isla qaateen, damaashaad iyo farxadba bilaabantay, xidhiidhku sidii wuu ka xoogan yahay oo labaduba waxay sawiranayaan iyagoo qoys ah.

 

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories