HomeMeherkii Baaqday! Qormadii Labaad.

Meherkii Baaqday! Qormadii Labaad.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Muqajil baasbuu ahaa oo aan u furfurayn haasawaha hablaha, waxa buur kala cuslayd inuu soo bandhigo dareenka jacayl ee naftiisa biyo dhigay. Berribaad u sheegiye iska jiibso, caawba maw sheegtaa wuxuunbay ku odhane kolay ku liqimaysee. Mawduubtaa cod oo mawdiirtaa mise warqad dheerbaad u qortaa oo aad kusoo bandhigtaa jacaylkaad muddoba u haysa Xamda. Aqoon dhaafsiisan Facebook-ga isuma laha, waa saaxiibo muddo edegan ka xidhiidhayay barashadooduse waxay ahayd mid walalnimo oo aan dhaafsiisnayn xaal warasyi iyo kaftan. Xamdi waa inan qab weyn oo aan sheekadab ka gurin inna rag, waxa salaan sida joonyadaha rasaysan ciwanakeeda tirinkarimaysid, mid kasta intay eegto qoraalkiisa ayay dhaafta maxay nin ciil badday oo doonideeda rucle rubad go’ay. Waa heego muqdheer biyaha dhuunteeda marayaa aad halkaa ka daalcanayso, indho aad dayax moodo, xubno jalqasan, ilko dhaya, midabkeeduna waa maarin dhalaal xiga. Sawirada ay soo dhigto jimcayaasha soddon jeer hadaad dhugato ka daalimayside dhaayahaad la raacaysa.

wuxuu qariyaba oo kolba naftiisa la xanshaashaqo oo niyada iska yidhaa billay cid kale ku xidhantahay oo aad ku hungawdaa, badheedh oo warka dhayda ka cadde “Xamdaaya sannadbaynu aqoon walalnimo isku lahayn, nimaanad saacad ku barran sannad kuma baratidbaa la yidhi,  waxaan caawa kuula socda arrin aan igu cusbayn oo inbadan aan ku taamayay, waxaan go’aansaday inaan ku guursado oo aan qoys wadaagno. ma ogi inaad xidhiidh kale leedahay iyo inaad madaxbanan tahay laakiin inaynu arrinkaa kawada hadalnaan kuula socdaa huuno” Xamda oo iyaba kalgacayl ay qarsanaysay u qabtay Xaamud,  ayaa ugu hal-celisay “ Xaamudoow arrin cusub maaha aniguba sidaad ii  eeganaysay ee aad xiisaha iigu hasay ayaan eegmada kuugu korinaayay,  si ka balaadhan ayaan kaaga helay sidaad iigu jeeshay, waxaanse ka baqaayay muddo inaan kuuso bandhigo oo aan ku sheego dareenkayga, farxad weynbay ii tahay maanta kolhadaynu qalbiyada ka wada hadlnay soo dhawoow”

Habbeenkaa waxay isla garteen inay wadaagan jacaylka midba gaarka ku ahaa oo ay walalnimadii iyo barashadii hore u beddelaan xidhiidha cashaq, waxay kala qorteen telefoonadii si ay uga wada hadlaan. Habeenkii markuu soo rawaxo Xaamud wuxuu qabsadaa mobilka si uu  ugu sheekeeyo mustaqablka guur ee uu doonayo iyo jacaylka ay wadaageen halkuu gaadhsiisan yahay,  waxay wadda hadlaan hebbeenada qaar ilaa waa beriga,  isagoo qaadiraysan ayuu shaqada kusoo kallahaa. Intaa uu joogo xafiiska waxay kawada hadlaan khadka, xiisihi midba gaar ugu fogaa waxay isla gaadheen heer ay ku rumayn karaa riyadooda jacayl oo ay ku binayn karaan qoys nagaada.

Xaamud wuxuu uga warramay asxaabtiisi xaalada kusoo korodhay, wuxuu uga sheekeeyay jacaylka dhexyaal Xamda qotadiisa inuu go’aansaday guur. Aadbay usoo dhaweeyeen guubaabo iyo garab istaag hor-leh ayuu ka helay, midba caawimada uu ka gaysanaayo guurkiisa ayuu la boobay. Kusii dhiiray oo ku fogaa daamicii guurka ee hayay, Xamdi waa curad u weyn carruurta hooyadeed dhashay waxay xagga aabbe ka walalo yihiin carruur waaweyn oo guryo leh, jaamaacadda waxay ku jirtaa sannadkii u danbeeyay qalin jabinteediina waxa ka hadhsan bilo kooban oo hadda waxay diyaarinaysaa imtixaanaddi u danbeeyay.

Wuxuu soo wacay markuu ka yimi shaqadii sidii caadiga ahayd ee ay awlba usoo wada xidhiidhi jireen, caawa way ka duwan tahay habbeenadii hore Xaamud wuxuu sidaa bushaaro iyo war farxad gelin doona Xamda, wuxuu uga warramay sida xaal yahay iyo inuu soo diyaar garoobay oo uu doonayo inuu bishan soo doono “ Xabiibi waxaynu wada soconnay muddo waxa inna dhexyaal jacayl u baahan in midhihiisa loo aayo oo ubadkiisa la intifaacsado, waan dareensanahay sidaad ii jeceshay iyo in hammigaagu yahay inaad ii noqoto oori aan ku nasto, anna waxaan kuula diyaar ahay inaan noqdo hanad aad ku hirato oo  kuu noqda gaashan. Waxaan doonayaa Xamdaay inaan reerkiina kaaso doono oo laykaa hibeeyo, bilaha jaamacadda kaaga hadhayna aad gurigiina joogto marka aad qalin jabisna aan kula wareego”

Xamda oo farxadi asqaysay foolkeeda, riyadedii ay ku hammiyaysay muddada dheer u rumawday ayaa ku tidhi si dareen qiiro lihi ku dheehan tahay “ Xaamudoow waan kugu raacsanahay waanan kugu qanacsanahay, inaan kuu noqdo xaas aad ku faanto, qoys aad ku qabawdo, gabadh aad ku degto oo ku  damaanad qaada mustqabal hirasho leh ayaan diyaar kuula ahay waan kaa gudoomay go’aanka, muddada aad qabanyso  qorshe wixii hawla ee ku xidhan qoyska iyo meherkeenana waynu xallin oo waxaynu u dhamayn si wada jira xayaati”

 

Maxamed Sidiiq Dhamme.

Msadiiq1@gmail.com

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories