HomeMeherkii Baaqday! Qormadii Afraad

Meherkii Baaqday! Qormadii Afraad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Xamdi iyadoo qajilaysay oo sidii ay u sheegi lahayd ka baqaysa ayay Hooyadeed Cibaado oo ku jirta qolkeeda dul istaagtay, waxa fadhida walaasheed oo ka yar iyadoo ka xanqarasanaysay ayay Hoyadeed la xanshaashaqday oo ku tidhi “ War weynbaan Hooyo kuu hayaa qola fadhiga inna gee” hoyadeed intay kacday ayay soo raacday Xamda oo ay usoo wadda kaceen dhankii fadhiga. Qolka waxa yaala Fadhi sucuud cusub oo maalmaha lasoo dhigay  intay is baal fadhiisteen ayay Hooyo Cibaado tidhi naa wad bal sheekadaad I hayso kolay waa dhuryankaagiye.  Xamda oo hoos u hadlays ayaa Hooyadeed ku tidhi  “ maanta maamo waxaan ku sheegaya arrin, waxanu heshiinay inan Xaamud la yidhaa oo ka shaqeeya bakhaa suuqa Waaheen dhexdiisa  kuyaal, waa inan wanaagsan oo dabeecad iyo dadnimo daayin ku mannaystay, Jaamacadda wuxuu ka baxay sannadkii hore, waxaan siiyay nambarka Aabbe waxaan kaa codsnayaa inaad Aabbe u sheegto hawsha, anuu waan  ka qajilayaa inaan u sheego”  hooyadeed oo aad u jeclayd Xamda ayaa u muujisay niyadsamaan iyo  inay hawshaa dhamaynayso oo ay taagantahay baasheeda.

Caweyskii markuu soo hoyday Naaleeye  ayay Cibaado arrinkii u sheegtay oo ku wergelisay in Xamda lasoo doonayo oo ay heshiiyeen wiil “ inanteena curad ninbaa inagsoo doonaya ee diyaar garaw si aad u hibayso oo reerku kuulaso xidhiidhaan xaaji”  Naaleeye oo jeclaa inay jaamacadda dhamasyo Xamdi ayaa waddaadiisi u sheegay inuu la qaatay arrinka oo uu dhamaynaayo hawshaa haddi Alle yidhaa.

Markay meel ku tiiriyeen hawshii waxay usoo gudbeen inay ka wada hadlaan qaabka meherkooga iyo sida ay rabaan inuu u dhaco, waxay ugu horaysiiyeen inay soo galaan sawiro qurxon oo asxaabtoodu soo dhigaan Facebook-ga intaanu meherku dhicin, halkay ku geli lahaayeen ayay ka fekereen, waqtiga lagu jiraa waa jiilaal dhulku aanu caagaarayn, waxay waydiiyeen asxaabtoodi halka ugu habboon ee ay ku geli karaan sawiro qurxoon oo hamablayadooda ay asxaabtu adeegsadaan. Dharka ay xidhan lahaayeen lamaanuhu, asxaabta u malxiisay ee raaci lahayd barri cidday noqon lahaayeen. Habbeenimadkii waxay isu raaceen carwo dharka ragga iyo dumarka lagu iibiyo oo la yidhaa Shaamareer, wuxuu doortay Xaamud Suudh madaw oo aad u qurux badan , Xamdina waxay dooratay Toob cad. Alaabtii kale ee ay u baahanaayeen way iibsadeen dhamaan.

Habbeenimadii Xaamud wuxuu la ballamay berri saaxiibkii Jibriil oo lahaa kamarad aad u sawir quruxun, wuxu aad ugu xariif ahaa sawir qaadista intabadan asxaabta mehersanysa wuu caawin jiray oo wuu raaci jiray. Jibriil waa nin aad u furfuran o jecel inu caawiyo lamaanaha guri dhisaaya, wuxu ka waraystay halka ugu habboon ee ay ku galaan sawiro quxruxbadan. Waxay isla garteen inay tagaan beeraha Arabsiyo oo aad ugu habboon sawirada madaama aanu dhulka kale lahayn doog oo lagu jiro jiilaal. Wuxuu u sheegay inuu toddobaadkii hore u raacay qoys toddoba baxaaya, waxanu u sheegay in beeraha Arabsiyo ugu habboon yihiin.

Subixii waxay diyaarsadeen sahaydii ay u baahnayeen, sagaalkii subaxnimo markay ahayd ayay dhaqaaqeen oo ay dhabbada cagta saareen, waxa raacay laba wiil oo ay Xaamud saaxiib yihin iyo laba gabdhood oo ay Xamda saaxiibo dhaw yihiin, waxa la dallacaday riinkoodhkii, habbeenimadii ayay kusoo shubteen falaash Heeso xula o u badn kuwa hadda socda, calaacal, kalgacal iyo heeso caashaq hibitiqayaa la xushay oo lasoo buuxsaday. Cabitaan iyo buskud jid mara waxa lagiis qaatay kaalinta Gaafane ee galbeedka magaalada. Kaftan iyo madadaala la wadaa, waxa baxaya fanaanka codka tolmoon ee Maxamed Pk, heesi mid kama dhacado tasoo baxdaaba waa jalbeeb caashaq iyo jacayl xaddi badan.

 

Maxamed Sidiiq

Msadiiq1@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories