HomeMeherkii Baaqday! Qormadii 7aad.

Meherkii Baaqday! Qormadii 7aad.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Xaamud dooda adag ee uu kaga jawaabay dalabkeedii Xamda umay cuntamin may noqon, dalbkeedii muu ahyn miduuuga heshiiyeen qarashka meherka, qorshaha isbedelay waxa soo kordhiyay Xamda dumarkau ehelka ahaayeen. natiijada  waxa ka sugaay dumarkii danbiga shiday, intay  aad ugu qaylisay oo ay si kulul ula hadashay ayay ku tidhi “ xaasha dalabkaasi midaan aqbalaayo maah umana  qalmo waxaad sheegaysee raali ahaw, haddi aanad ii yeelayn sidaa oo aanad iiso doonayn sida qayrkay guurkaagu hayga maqnaado Xaamudoow” telefoonkii intay dhigtay ayay baqtiisay oo ay iska seextay, hurdi kari wayday oo qaban wayday sariirtii, arrinka hooyadeed u sheegtay sida xaal yahay iyo inuu ninkii diiday inuu qarashka kordhiyo, hooyadeed oo aad uga xun sawirada inanteeda ee ku faafay  nacab iyo nasteex ayaa ka codsatay haddi xaal sidaa yahay inay yeesho oo ay sidii hore ku dayso arrinka isna dejiso.

 

 

Xamdi habbeenkaa go’aan aanay mahadin ayay qaadatay oo waxay gaadhay inuu sidaa kaga maqnaado guurka Xaamud, aadbay u kacsanayd habbeenka umay fikirn si degen waxase qalbiga ka xaday hablhii u yimi fiidkii, Aabbaheed  ayay u sheegtay inay ka noqotay meherkii oo aanay doonayn ninkaa, waraysay oo dhanksata kaga yimi lasoo marsiin waa oo yeeli wayday Xamdi inay qoys la wadaagto Xaamud, talo faro ka haadday, waxay odayaashi kusoo war celiyeen Xaamud qoyskoodi in meherkii baaqday oo inantii isfahan waa xagga  Xamda ahi  yimi raalina ay ka ahaadaan, oo ay ka xaal marinayaan sida arrin noqday.

 

 

Xaamud oo ku hanweynaa riyada muddada ka guuxaysay maankiisa rajadu qabay soo af-go’day, saacadii danbe ee habbeenka go’aankii la iskuna qanac si kasta hawgu adkadee. Subixii dad badani ku lugo’e madashii meherku ka dhici lahaa. Waase qadar mawle iyo qoraale meherkii baaqay! Toddobaad waxa meerayay facebook-ga sawiradii ay galeen ee ay ugu talo galeen damaashadka meherkooga in dadku ku tahniyadeeyaan. Markuu arkaba murugood, dhacdadaasi Xaamud waxay ku reebtay uurkutaal iyo arami aan ka hadhin. Wejigabaxa ku dhacaa wax walba kaga daran, saaxiib kastoo arka iyo mid kastoo fariin usoo diraaba Caruus ayuu ku yidhaa. Xantu badatay oo laysla dhex mar ninkii in gabadhi kaga baxday. Magac kalaa u baxoo marka ay arkaan asxaabtay ahaayeen kaftan wadaagta qaarba ku yidhaa Xaamud guursan gaadhay.  Habbeenkii malado waxa lagusii tiftaafay warankii jacaylka ee oofaha kaga higaagan.

 

 

Xamda niyad jab iyo qajilaad qolkeedi kasoo bixii wayday, qofkii arkaaba wuxu waydiiyay maxaa dhacay ee meherkii baajiyay. Cuqdad iyo colaad aan ka hadhinbay ka qaaday meherkaa baqaaday! Facebook-gii markay gasho ee ay ku aragto sawiradii niyadjabay ka qaada. Asxaabteedi su’aalo badan oo aan lahayn jawaab ayay waydiiyaan, sawiradiina hadhi waaye oo ku faafe dunida dacaladeeda! Waxay qoomamaysay taladii seegtay, ducadii waalidkay diiday iyo guurkii diyaarka ahaa ee ay khasaarisay. Waa calafe caashaqii ay u haysay Xaamud haddu ugu daranyahay oo aany hurdo kal ledin, habbeen oo dhan waa u fikir iyo faalooyin tagay, kol waxay ka werwertaa nafsiga ay gashay iyo dumarkii seejiyay samaha ee ay maqashay. Tolow miyaad fallayd markii lagu bedelay ee dumarka baas ku seejiyeen hiigsigii guurka goblan tallo aduunyooy! Dhamaad.

 

 

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories