HomeMeherkii Baaqday! Qormadii 5aad.

Meherkii Baaqday! Qormadii 5aad.

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Waxa la gaadhay Beertii sawirada in lagu galo ay ahayd, diyaar garoobe midba kooxdii la socotay hubsay inuu u labisan yahay si quruxbadan, gacmaha intay is waydaarsadeen oo ay laabatana is geliyeen ayay jaleeco kalgacal kusoo eegeen Jibriil oo kamaradii isha ku haya, kolba bedele qaabkii, beerti marba geed ku wareege, sawiro jaadba-jaada oo aan kala dhicin Jibriil wacda kaga saar. Soo dhawoow xabiibi, xayaati waan kuu dhawahay lays dhaafsay. Asxaabti kalena la gale sawiroo lamaanihi. Wax la wado sawiradii cadceedi liiqa dhigtay oo hoyasho ku dhawaatay, markay galeen dhawr boqol oo sawir ayay daaleen oo midba dhankiisa u tabcaamay.

Caweyskii markii lasoo noqday ee lasoo gaadhay magaaladii sawiradii loo beratan oo saaxiibadood midba kii kale inuu uga horeeyo loo kala dhaqaaq, jibriil intuu sawiradii ugu quruxda badna u diray asxaabtii ayuu isan hanbalyo farwaawayn intuu qoray soo dhigay wajahadda Facebbook-giisa, Xaamud oo ahaa nin aad u caana qofkasto yaqaanay qaaday sawirkii, saacado gudahood ayuu sawirkii isaga iyo Xamdi qabsaday wajahadii Facebook-ga. Markuu gurigii tagay ee uu yar nastay ula kala bax isna dhigay ciwankiisi oo sawir aad u cajab gashay soo dhigay wajahada “ Waa maalin qaaliya oo aan sugaayay inbadan, Khamiista waxaan la wadaagi doona nolosha Xamda, asxaabta qiimaha badan inuu qaadie naga yeelo qoys isku nagaada ducadu waa dhankiina”

Damaashadkii guurkooga ka bilaabay dal iyo dibada tahniyad aan kala go’ lahaynbaa asxaabtii labadaba taqaanay usoo direen. Meherku waa Shan cisho kadib waqtiga ay galeen sawirda, odaydii weli may is arag. Sawirada ku war hele qoyskii Xamda qaar aanu weli warkii gaadhin gurigii laysi soo toomi oo badh cadhaysan oo ka xumaaday meherkaa aan la ogaysiin, badh tahniyad wadda oo soo doontay gabaati. Hooyadeed yaabtay oo tidhi naa yaa dadkan u wadda warramay, qofkasto guriga yimaada wuxuu canaan ku bilaabo Cibaado oo yidhaa maxaad inanta u qarsateen meherkeeda. Naa weli ma dhicin oo habbeen horay yartu I sheegtee warka halkaa ka keenteen yaa idiin warramay ma shaydaan. Looga faallood halka lagu arkay la tus sawirada isku dheggena ee ay ku wada jireen lamaanaha guurkoodu aanu weli dhicin.

Amakaaga iyo anfariir weynaa Cibaad dhabanada qabsatay oo yaabtay, waxay u yeedhay inanteedi Xamda “ Hooyo ninka aan laguu hibayn ee aad isku marantihiin ee aan weli meherkiinu dhicin muxuu ahaa, dadkan oo dhan warkaaga maxaa gaadhsiiyay ee bari iyo galbeed ka tuuray meherka aan weli dhicin” Xamda oo aad u qajilsan ayaa u sheegtay inay sidani tahay casri oo lamaanaha is gursanaya sawiro la yidhaa ‘Commin soon’ wada galaan, dhegiba jaan leegaatay islaantii dhanay u qaado garan wayday waxanay shubayso Xamdi “ Hooyo sidani waa ceeb calayg nin aan ku guursan inaad isku loohdaa oo aad sawiro jaan la gashay maxaad sidaa u yeeshay, hadda dheg xumadeena bal day jaarkii oo dhanba kugu sheekaysanaya oo ka warramaya guurkaa aan weli dhicin cajab iyo lama arag”

Xaamud Aabbihi oo ay la socdaan suldaan dhuux iyo caaqilkii qoyskooda ayaa la ballamay Xamda Aabbaheed, Naaleeye waxa la socda laba oday oo ay tolyihiin. Lays waraysay kaftan iyo weedho duurxula lays dhaafay waxa hadalkii u baxay Suldaan Dhuux oo ka socday Xaamud dhankiisa “ waxaanu idiinla soconna xaajo soo jireena, inan qosyka ah ayaa calmaday oo ay heshiiyeen inantiina, sidii dhaqan ahaan jiray waxaan doonaynaa inaanu soo doonano oo naloo hibeeyo, balanta inaynu qabsanno oo aad diyaar garawdaan” odaydii kale oo dhuuxayay hadalka Suldaanka ayaa la qaatay dhismaha qoyska cusub, la kaftan oo laga sheekaysay hablo badan oo labada reer ku kala maqan, xiddid iyo xigaalo soo jireen ahaa iyo sid ay ugu niyadsan yihiin guurka barakaysan ee maanta dhexmaraaya labada ubada. Khamiista la balamay oo lagu go’aanshay meherkii Xaamud iyo Xamda ………. La soco.

 

Maxamed Sidiiq Dhamme

msadiiq@gmail.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories