HomeMeere Dhulka Aad Ugu Eeg Oo La Helay Iyo Culimada Cilmi Falagga...

Meere Dhulka Aad Ugu Eeg Oo La Helay Iyo Culimada Cilmi Falagga Oo Sheegay In Lagu Dul Noolaan Karo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Picture79-150x150

 

Washington (SLpost)- Haayadda maamulka duulimaadyada iyo hawada sare ee Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa dhowaan heshay meere ka baxsan nidaamka qorraxda oo ay sheegeen in uu si aad ah ugu muuqaal iyo xaalad dhow yahay ama la mid yahay dhulka aynu ku noolnahay. Saynisyahannada NASA waxa ay aaminsan yihiin in meerahan cusubi uu qiyaas boqolkiiba 60 ah ka weyn yahay dhulka, xiddigaha lagu magacaabo Bahda Midaysay Qorraxdana (Solar System) uu u jiro masaafad u dhiganta inta uu ilaysku socon karo 1400 oo sano.

Meerahan cusub waxa ay xeeldheerayaashu u bixiyeen Kepler-452b iyaga oo qayb magaciisan qayb ahaan ku xusaya caalimkii Jarmalka u dhashay ee la odhan jiray Johannes Kepler. Mar ay culimada cilmi falagga ee NASA weynaysada hawada sare loo adeegsado ee Kepler ku eegeen xaaladda ka jirta meerahan cusub gudihiisahana waxa ay sheegeen in uu leeyahay meelo ay aadamuhu si caadiya ugu noolaan karaan oo u dhow meere kale oo u eeg qorraxda, sidoo kale waxa ay arkeen in meerahani uu leeyahay biyo u muuqda in ay dareere yihiin (Aanay baraf ahayn) taas oo caadi ahaan shardi u ah marka la qiimaynayo in meeraha uu noole degi karo.

Hore ayaa ay culimada cilmiga xiddiguhu u heleen meerayaal le’eg Kepler-452b, laakiin meerahan waxaa u dheer in uu ku wareegayo xiddig aad ugu eeg qorraxda oo weliba uu u jiro masaafad ku dhow ta dhulku u jiro qorraxda. Jeff Coughlin oo ku xeeldheer cilmibaadhista Kepler, kana tirsan maxadka City oo ku yaalla gobolka California ayaa xaqiijiyey in helitaanka meere u eeg Koonka aynu ku nool nahay, kalana mid ah dhinaca deegaanka iyo heer-kulka, isla markaana ku wareegaya xiddig la mid ah qorraxdu ay tahay horumar weyn oo la gaadhay”

 

Haddii ay dhacdo in meerahan la dego waxa uu farqi u dhaxayn doonaa sannad tirsiga dadka adduunkeenna ku nool iyo dadka Kepler-452b maadaama oo sannadka meerahani uu ku wareegi doono 385 maalmood, taas oo sannadka dhulka ka badan labaatan maalmood.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories