HomeMeeqaam Noocee ah ayuu Madaxweyne Muuse Biixi kala Kulmay Dhiggiisa Jabuuti? (SAWIRRO...

Meeqaam Noocee ah ayuu Madaxweyne Muuse Biixi kala Kulmay Dhiggiisa Jabuuti? (SAWIRRO + VIDEO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maanta ka amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo dhaweeyey gegida diyaaraha ee magaalada Jabuuti, waxaana madaxweynaha iyo weftigii qaabilay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.m (11)

War-qoraal kooban oo madaxtooyada Somaliland ka soo saartay kulanka labada madaxweyne iyo qaabkii loo qaabilay weftiga Md Muuse Biixi, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer caalami ah, meeqaamkeeduna sareeyo loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, markii ay gaadheen madaarka diyaaraha ee dalkaasi, oo ay ku sugayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mida golihiisa wasiiradu.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA QAABILAADDA WEFTIGA

https://youtu.be/5doU1GW0YiA

Markii ay soo cagadhigatay diyaaradii siday weftiga madaxweynaha Somaliland oo iyadu ahayd diyaarad khaasa oo madaxweynaha Somaliland ka qaatay madaarka Cigaal International Airport, geysayna madaarka Jabuuti, iyadoo ay madaxweynaha ku hoos sugayaan diyaarada wasiirada Arrimaha dibeda iyo wasiirka maaliyada ee Jabuuti iyo buxno kale oo ka mida dawladda Jabuuti oo uu wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ka dibna waxa loo sii gelbiyey dhinaca qolka nasashada (VIP)-da oo uu ku sugayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.m (6)

Madaxweyne Geelle oo isagu marti-qaadka u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi si balaadhana u qaabiley una soo dhaweeyey dhigiisa Somaliland ayaa qadar nasasho ah ka dib madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey Hotel Kempinski oo ay weftigu ka degan yihiin.

Waxaana la filayaa in uu maalinta beri ah si rasmi ah u qabsoomi doono kulanka labada madaxweyne ay yeelan doonnaan, kaasi oo noqon doona mid lagu soo qaado lagagana wada hadlo danaha labada dal iyo ta geeskaba,” sidaas ayaa lagu sheegay war-qoraalka ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Somaliland.

DAAWO SAWIRRADA SOO DHAWEYNTA WEFTI SOMALILAND IYO KULANKA LABADA MADAXWEYNE

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories