HomeMeel Aan Rabay Roob Igu Eri: Qalinka Cabdiraxmaan Cadami

Meel Aan Rabay Roob Igu Eri: Qalinka Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdiraxmaan-Cadami-yyyyMadaxweyne Siilaanyo markii uu xilka madaxtinimada dalka la wareegay (August 2010) waxay isaga iyo kooxdiisu si ku talo gal ah markiiba u sii bilaabeen qorshihii muddada loogu kordhin lahaa marka teeramkiisa(Term) hore dhammaado.

Si qorshuhu suurto gal u noqdo waxay ku ducaysan jireen in musiibo dabiici ah, nabadgalyo xumo darran ama balaayo kale timaaddo si loo helo cudur daar la aqbali karo oo waafaqsan dastoorka qodobka 83 farqaddiisa 5-aad, laakiin Idanka Eebbe iyo nasiib wanaagga umadda wax dhibaato ah oo lagu marmarsooda dalka kama dhicin hase ahaatee markii muddadii loo doortay soo dhawaatay halkii doorasho laga qaban lahaa sidii horeba qorshuhu u ahaa waxa si indho isku qabad ah loogu kordhiyay laba sannadood oo wax loo cuskaday jirin haba yaraatee.

Labada gole ee xeer dejinta muddo kordhintaa xaaraanta ah waxa lagaga bedeshay  ama lagu laaluushay in iyagana markii saddexaad loo kordhiyo. Si kastaba ha ahaatee heshiiska ama shirqoolka xukumadda iyo labada gole wuxuu noqday arrin shicibku liqi kari waayay ama lagu tilmaami karo khiyaamo dadweyne oo taariikhda ku gali doona sanadkii dimuqraadiyada Somaliland kuftay.

Sidaas oo kale waxa walaac xooggan ka muujiyay beesha caalamka gaar ahaan dalalka Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo dhaqaale badan ku bixiya Gardaadinta iyo taabo galka dimuqraadiyadda. Markii wakiillo ka socda dalalka kor ku xusan ay madaxweynaha u soo bandhigeen aragtida dawladahooda oo ah in aan lagu qanci Karin korodhsiimo dastoorka baal marsan iyo in aanay niyadsami u hayn inay sii wadaan taageerada baarlamaan dhawr iyo toban sannadood iska fadhiya, xukumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ugu jawaabtay in la soo abaabulo muddaharaad ay hor kacayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta qaranku iyo ardayda dhawr dugsi oo qasab lagaga soo saaray fasalladii ay wax ku baranayeen oo lagaga soo horjeedo dalalkii muddada dheer gacanta siin jiray Somaliland.

Halkaa kuma ay joogsan ee hadana waxay ku tiraabeen inay xukumad ahaan bixinayaan kharashkii beesha caalamku bixin jirtay. Runtii waxay ahaayeen ficillo iyo weedho aan ku haboonayn diblamaasiyadda oo lala yaabay: waa marka hore e Somaliland wakhtigan xaadirka ah kama maaranto taageerada iyo gargaarka bani’aadanimo ee beesha caalamka, waa marka labaad e hadallo boolo-xoofto ah(Rhetoric) oo afka laga yidhi waxba kama tarayaan baahida Somaliland u qabto kharashaadka faraha badan ee doorashooyinka.

Dhinaca kale waxay bixinaysa sawir ah in aynu nahay umad gadda ama dafirta abaalka loo galo(Ungrateful) si kastaba ha ahaatee dalka waxa ku habsatay abaar ba’an oo saamaysay gobollada dalka oo dhan; waxay ku soo beegantay wakhti ay waxyari ka hadhsan tahay labadii sannadood ee xaaraanta ahaa, waa sidii la rabay, waa sidii ay ku ducaysanayeen si markan qiil loogu helo muddo kordhin kale. Murti Soomaaliyeed ayaa waxay tidhaa “meel aan rabay roob igu eri.” Lama saadaalin karo muddada golaha guurtidu u kordhin doonto madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa hase ahaatee loogama baran go’aamo ka turjumaya rabitaanka dadweynaha ama danaha Qaran-nimada Somaliland balse waxaynu dhawrayna waxa ka soo yeedhi doona maalmaha soo socda.

Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxdiisa isku sii dhejinaya kursiga ma dhaadana mana garanayaan dakharada iyo dhaawaca ay u gaysanayaan geeddi socodkii dimuqraadiyada Somaliland ee soo ifaysay iyo sumcaddii Somaliland ku kasbatay shanti doorasho ee madaxweynihii ka horreeyay dalka ka qabtay.

Qalinka Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories