HomeMaydh Oo Laga Hirgaliyey Mishiinkii Labaad Ee Baraf Dhaliye Ah

Maydh Oo Laga Hirgaliyey Mishiinkii Labaad Ee Baraf Dhaliye Ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

MishiinMaydh, (SLpost)- Mishiinkii labaad ee Baraf-dhaliye ah ayaa shalay laga hirgeliyey Magaalo xeebeedda faca-weyn ee Maydh,Mishiinkan oo ay baahi weyn u qabeen dadweynaha iyo Kaluumaysatada Degmada Maydh kaasi oo ay mudooyinkii ugu danbeeyey ku hawlanaayeen hirgalintiisa Maamulka Degmada Maydh ayaa maanta si rasmiya loogu rakibay Xarunta Degmada ee Maydh Mishiinkan oo maanta si rasmiya looga hirgalieyey Degmada Maydh ayaa Hawl wadeenadii wadi lahaa hawlaha shaqo ee Mashiinkan loo Tababaray siday ugu shaqayn lahaayeen mishiinka, Maayarka Degmada Maydh Prof: Huseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh oo ka hadlay xaalada guud ee Degmada iyo sidoo kale Mashaariicda horumarineed ee Sanadkan laga hirgaliyey iyo kuwa bilaha soo dhaw laga fulin doonaba waxa uu yidhi “ka Maamul ahaan intii aanu xilka Degmada haynay Maamuulkayagu wuxuu u ahaa Maamulkii horumarka iyo wax qabadka badnaa iyadoo isla markaasina laga hirgaliyey Degmada Mashaariic mugle oo ay ka mid yihiin laba Mishiin oo baraf dhaliye ah oo mid laga hirgaliyey jully 6 2014 iyo kan maanta 11/7/2015 laga hirgaliyey degmada sidoo kale waxa Degmada Maydh laga dhisay Fadhiisinka Ciidamada Badda ee Aaga Barri ,Dugsi Waxbarasho ,dhinaca Tababarada oo Kaluumaysatada Degmada loo qabtay tababaro kala duwan oo kor loogu qaadaayey xirfadooda iyo aqoontoodaba iyo sidoo kaleQalab isugu jira Mishiinada laashash, Talaagadaha yaryar ee ay barafka ku Qaadanayaan oo dhan 200 iyo qalabka kaluumaysiga oo dhamays tiran oo kaluumaysatada degmada loo qaybiyay”

Dhinaca kale Maayar Huseen ayaa waxa uu ka waramay Mashaariic mugle oo dhawaan Degmada laga hirgalin doono kuwaasoo ay ugu weyn yihiin in dhawaan Maamulka Degmada Maydh ee uu hogaamiyaha u yahay ay dadaalo badan oo ay u galeen ku guulaysteen in Degmada laga dhiso Deked weyn taasi oo ay ku baxayso lacag ku dhaw 1.3 milyan dolar iyo Qaboojiye Kaluunka lagu kaydinaayo oo qaadaaya ilaa 50 kun oo tan oo ay maalgalinayso Sanduuqa Horumarin Somaliland (SDF) iyo sidoo kale in degmada laga hirgalin doono isla sanadkan Xarunta guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee Gobolka Sanaag iyo sidoo kale mashaariic kale oo iyana muhiima oo ay hada ku hawlan yihiin helistooda.Mishiin1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhinaca kale Bulshada ku nool magaalo xeebeeda Maydh ayaa loo Qaybiyay Barafkii uu Mishiinka Baraf dhaliyaha ahi soo saaray, iyadoo sanadkani uu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee aanay bulshada reer Maydh intoda badani ka soo hayaamin kana xagaa bixin Degmada Maydh , Mashaariic badan oo ku soo koroday awgeed kuwaas oo u saamaxaya in ay ku sii noolaan karaan xilliga xagaaga , oo ay ka mid yihiin , Laydhka Degmada Maydh oo Mamulku ku soo kordhiyey iyo Barafdhaliyayaashaas oo xiligan kulaylka ah u suurta galiyey in ay ka maarmaan in ay kulaylka ka xagaa baxaan, Sidoo kale Dadweynaha Degmada Maydh ayaa waxa ay been iyo waxba kama jiraan ku tilmaameen qoraalo dacaayad ah oo Warbaahinta lagu faafiyey, iyagoo islamarkaasi sheegay inay faafiyeen shaqsiyaad ka xun horumarka Degmada Maydh gaadhay, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka soo jeeda degaano degmada Maydh jaar la ah , oo aanay iyana ka madhnayn Siyaasado horumarka ka soo hor jeeda ,

Ugu danbayntiina qaar kamida waayeelka iyo wax-garadka Degmada Maydh ayaa waxa ay sheegeen in xaalada Degmadu hada marayso halkii ugu saraysay iyago isla markaasina sheegay inay xiligan xagaaga oo ay ka hayaami jireen degmada ay intii badnayd bulshadii Maydh sidoo sii caadiga ahayd ugu nool yihiin Degmada isla markaasina ay u wataan hawlahoodii Kaluumaysi isla markaasina Maamulka hada ee Degmadu yahay kii ugu wacnaa dhanka waxqabadka iyo hogaaminta Degmada

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories