HomeMAYDH: Baaxadda Khasaaraha Ka soo Gaadhay Roobab Mahiigaan ah oo ka da'ay...

MAYDH: Baaxadda Khasaaraha Ka soo Gaadhay Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Xeebaha Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Maydh (SLpost)- Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh ayaa ka war bixiyey, Roobab dabaylo wata oo ilaa 6-dii bishan Dec 2019 ka da’aayey deegaanada Degmada Maydh, kuwaasi oo waxyeelo gaadhsiiyey degmada.

blankMaayarka oo goor-dhawayd warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in roobabka oo watay dabaylo xooggan ay sababeen khasaare naf iyo maalba isugu jira, isagoo xusay magacyada tuulooyin hoos yimaadda degmada oo robabku khasaare soo gaadhsiiyeen.

Guddoomiyaha oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu yidhi, “Roobabki Dabylaha watay oo 6-dii ilaa 7-dii bishan si aan kala-go lahayn uga da’ay degmada Maydh iyo nawaaxigeda, wuxuu gaystay waxyeelooyin badan, sida ruux dumara oo daad ku qaaday deegaanka Xaadh oo ah deeganka hoos-yimadaa degmada maydh, sidoo kale guryo dumay iyo xoolo iyo aqal Soomaliyo uu ka qaaday xaga baadiyaha, magaalada Maydh waxa dumay 9 guri, 5 guri oo ka dumay tuulada waqderiya,sidoo kale waxa waxyeeloobay 13  Laash oo ay 7 laash oo kuwa kalluunka ahna ay gabi ahaanba burbureen, waxa iyana waxyelooyin laga soo sheegaya degaanada hoos yimaada degmada sida, Xaadh laas-dhanaan Afceel kuule.Xarshow ,Ceel-dibir,Gorgor, Cirshiida,Laasa-surad, Waqderiya oo iyagana aanu waxyeeladooda gadaal kasoo sheegi-doonaa.”

blankGuddoomiye Xuseen oo hadalkiisa sii watay, waxa uu sidoo kale yidhi, ”Waxyeelada ugu wayn wuxuu gaadhsiyey ceelki biyaha degmadu ka cabi jirtay, oo waxa uu waxyeeleyay beebabkii ceelkii biyuhuna wuu dhaawac-may waana xaalad u baahan gurmad deh deg ah.”

Mayor Xuseen oo sidoo kale hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu yidhi, ” Roobaabkan ayaa waxa ay jiingadii kala tageen Saldhigii Dhexeee Booliska,Kastamkii, MCH-kii degmada,Gurigii Hooyooyinka, isagoo sidoo kalena dumiyeyxaruntii qalabka kaluumaysiga iyo dhirtii waa-weynayd ee degmada,Dhamaan guryaha ka dumay degmada maydh oo isugu jira Guryo shicib iyo Guryo dawladeed ayaa isku gaynta tiradoodu tahay 20 guri oo dumay roobkii bishii hore iyo 10 uu dumay 6-7-dii bishan iyadoo wadarta guryaha waxyeeloobay ay noqonayaan 30 guri”.

blankGebo-gebadii ayaa waxa uu Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh cod dheer ku sheegay in bulshada ku dhaqan deegaannada hoosyimaadda degmada Maydh u baahan tahay gurmad iyo gargaar degdeg ah oo sida ugu dhakhsaha badan loo soo gaadhsiiyo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories