HomeMaya Xal Ku-meel-gaadh ah

Maya Xal Ku-meel-gaadh ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Talo haddii ay qalloocanto, khalad haddii uu dhaco, dhibi haddii ay timaado waxaa mudan in xal loo helo si wixii dhacay loo saxo. Horaa loo yidhi “caano daatay dabadood la qabay”. In khalad ama dhibaato ay dhici waa sunnaha nolasha, balse waxaan sunnaha nolasha ku jirin in khaladka ama dhibta dhacday xalkeedu noqdo ku meel gaadh.

 

Khilaafku wuxu ka dhashaa labo isku dano noqon waayay, labo isku aragti noqon waayay,  labo khayraad ku heshiin waayay iyo labo maamul  ku heshiin waayay. Khilaaf kasta oo yimaaddaana xal buu leeyahay balse malaha xanuun biin. Xalku haddii uuna ahayn ku samaynaya xaalad-ka-guur (transformational) maaha xal ee waa xanuun-biiye.

 

Bal waxa aad u fiirsataa 10-kii sanno ee u danbeeyay waxa ka dhacayay Somaliland. Labo reer oo isku haysta dhul, dhallinyar kufsi iyo xatooye lagu xidhay, xukuumad iyo xisbiyo is haysta, Golaha Wakiillada iyo xukuumadda oo is haysta, Golaha Wakiillada oo is haysta, xildhibaannada golaha deeganka oo is haysta, xisbiyada oo is haysta, xukuumadda oo is haysata, suldaan iyo dawlad is haysta, sicir barar maalinba maalin ka sii daraya iyo nolasha oo sii adkaanaysa.

 

Waxaa is waydiin mudan waxaa dhacay ma ugub baa?

Dhacdooyinkaa aan kor ku soo sheegay mid ugub ahi kuma jirto haddii aysan middiiba ugu yaraan laba jeer ama ka badan dhicin. Mar haddii uu arrinku hore u dhacay maxaa labo jeer ka badan soo celinaya? Maxaa khaldan?

 

Markii aan dib u eegay dhacdooyinkaas qaababkii loo xaliyay oo dhani waxay ii soo baxeen in ay ahaayeen qaab xummad-jabin ah. Qofka marka uu xanuunsanyo waxaa lagu gartaa xummad in uu yeesho ama astaamo kale oo uu ilaahay ugu talo galay ayaa ka soo hor mara xannuunka laftirkiisa. Bukaanku inta uu baadhis rasmiya helayo si uu ladnaasho u helo waxaa la siiyaa xummad-jabin Barasitimool ama Baanadool iyada oo loo eegayo da’da iyo culayska qofku uu yahay inta la siinayo 500 mg ama 1000mg. Xummaddu in ay ka jabtaayi waxay ku xidhan tahay xanuunka hayaa inta uu leeg yahay iyo dawada tayadeeda.

 

Xalalka la gaadho waxaa ka mida; dhallin-yarta is dishay ama  xatooyada samaysay 6 bilood xidha, inanta la kufsaday inammada mid u dhisa, xisbiga is haysta mid duco qaado dhaha, xildhibaannada is haysta mid dhul sii danta guud ah, midna u shaqaalaysii inankiisa ama walaalkii, Golaha Wakiillada ee is hasta qaar dhabarka ka taabo qaar kalana xilal ugu ballan-qaad, wasiirrada is haysta mid xil ku waa meerto ku dheh midna  reerkiina gacanta ku dhig ku dhhe.

 

Waxaasi ma xal baa? Xalalkaa la sameeyay mid waara ama xaalad ka-guur sameeya bal sheeg? Dhammaantood waa ku-meel-gaadh haddii aysan dhiiri-galin u ahayn in mar labaad la sameeyo. Yaabe arrinku ma garosho-la’aan ayay innaga tahay mise waa wax dhaqan inoo noqday. Arrinku kuma koobna oo kali ah xukuumad balse waa qaabka aynu dhacdooyinkeena oo idil u xalinno, waana qaab aan meel inna gaadhsiinayn.

 

Maxaa xal ah?

Xalku waa in uu noqdo xal waara. Xalku waa Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka oo loo noqdo. Dhammaan xalalka diintu u hayso arrimaha bulshada ee dhaca waa kuwo waara, mana aha kuwo ku meel gaadh ah.

Waxaynu u baahan nahay in si cilmiyaysan loo baadho waxa keenaya wixii shalay dhacay in uu bari dhaco oo saadanbana la fili karo. Waxaynu u baahan nahay xal sameeya xaalad-ka-guur (transformational solution) balse uma baahnin xal sameeya xaalad-ku-celis.

 

Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim

abadir01@yahoo.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories