HomeMaxkamaddaha Derajooyinka Koowaad Iyo Labaad Oo Loo Qaybiyay Buug Hagi Doona Dacwadaha...

Maxkamaddaha Derajooyinka Koowaad Iyo Labaad Oo Loo Qaybiyay Buug Hagi Doona Dacwadaha Ay Qaadayaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa (SLP)- Maxkamadaha derajada koowaad iyo derajada labaad ee Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay buuga hagaha u noqon doona gar-qaadista dacwadaha ciqaabta ah.

Gudoomiyaha gudida caddaalada ahna guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali,  ayaa shalay u qaybiyey garsoorayaasha iyo guddoomiyayaasha ka hawl gala maxkamadaha darajada koowaad iyo darjada labaad ee dalka, buuga hagaha u noqon doona gar-qaadista dacwadaha ciqaabta ah.

Buugan ayaa iftiiminaya hanaanka loo raaco amaba loo rido dacwadaha ciqaabta ah isla markaasina waxa uu ka caawin doonaa in dhammaanba garsooreyaaasha kala duwan ee ku kala sugan maxkamadaha darajada koowaad iyo darajada labaad ee dalku ay soo saaraan go’aamo isku mid ah oo ku salaysan caddaalad.

“Ujeedada buugan sida ka muuqata waxay tahay hagaha garsoorayaasha ee xukun ku ridista ciqaabeed ee qaranka Somaliland,  Waa sida kiisaska ciqaabta ah ee jamhuuriyada Somaliland ka dhaca ee maxkamadaha kala duwan laga furo looga soo saari lahaa xukun isku mida,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamada sare.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Buugan waxa laga soo dheegay habka ciqaabta ah ee Jamhuuriyada Somaliland iyo xeerka ciqaabta ee Somaliland qoddobadii ku kala filiqsanaa ee la xidhidhayey ujeedada xukun ridista ama sababta ciqaabista dambiilayaasha laga leeyahay, wuxuu caawin doonaa oo buugani  oo wax ka tari doonaa garsoorka kala duwan ee maxkamadaha dalka ka hawl-gala sidii ay ugu fududaan lahayd inay xukunno isku mid ah  ka soo saaraan kiisaska kala duwan.”

“Tusaale ahaan,  tuugo culus iyo tuugo fudud, inaanay tuugada culus siyaabo kala duwan u xukumin amaba tuugada fudud mid culus ku xukumin, inay xukunno isku mida wixii tuugo culus ah ka soo saaraan iyo qoddobadii ku qornaa xeerka ciqaabta badhkoodna ku qoran yihiin xeerka ciqaabta guud oo meel la iskugu soo ururiyay si ay ugu fududaato xaakimka inuu soo saaro xukunka iyo qoddobadii uu cuskan lahaa, sidoo kalana wuxuu wax tarayaa inaan dambiyo gobalo kala duwan ka dhacay oo isku nooca inay maxkamadaha kala duwani qaabab isku mida u xukumaan,”ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.

Cabdilaahi Cabdi Aadan oo ah sarkaal ka tirsan  xafiiska daba galka dacwadaha ee gudida cadaalada ee Somaliland oo isagunu madashaa ka hadlay  ayaa balan qaaday inay daba geli doonaan habka ay ugu dhaqmaan garsoorayaashu buugan hagaha u ah habka loo qaado dacwadaha ciqaabta ah.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories