HomeMaxkamadda Sare oo dhex-dhexaadin ku dhamaysay Dacwadda Markabka MV Jabal Ali 3...

Maxkamadda Sare oo dhex-dhexaadin ku dhamaysay Dacwadda Markabka MV Jabal Ali 3 oo muddo ku xayirnaa Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay Dacwad u dhexaysay Wakiilka Dhowr shirkadood oo dalka laga leeyahay iyo Wakiilka Markabak MOV Jabal Ali 3 oo muddo ku xayirnaa Dekedda Berbera.

Dacwaddan ay Maxkamadda Sare maanta ka gar-naqday ayaa u dhaxaysay Maxamed Cisman Cabdi oo wakiilka Shirkadaha Shirkadaha Oomaar, Saba-wanaag, Cali Burco, Samaale, Horseed, Barako, Qoormadoobe iyo Nuux oo uu wakiil u yahay Maxamed Cismaan Cabdi iyo Liibaan Axmed Maxamed Cashuur oo ah Wakiilka Markabka MV Jabal Cali 3 oo ay leedahay shirkadda Kenz

blankMarkabka Jabal Cali 3 ayaa xayirnaa tan iyo 2-dii bishii hore, kadib markii Maxkamadda Gobolka Saaxil ay xayiraad u saartay dacwad ay u soo gudbiyeen shirkadaha sare ku xusan oo uu ka maqnaa Markabka Jabal Cali 5 oo u siday hanti gaadhaysa ilaa 7 Milyaan oo doolar.

Dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxaysay ee isku maan-dhaafsanaa arrinta Markabka Jabal Cali 3 xayiraadiisa ayaa Maxkamadda Sare u soo gudbiyay cabasho ku qotonta arrintooda, taasi oo ay Maxkamadda Sare ku soo af-jartay dhex-dhexaadin (mediation and arbitration) ay labada dhinacba heshiis ku yihiin, si loo soo furdaamiyo hantida ka maqan shirkadaha waddaniga ah, isla markaana uu Markabka Jabal Cali u sii wato shaqadiisa.

Maxkamadda Sare waxay go’aamisay in Maxkmadda Gobolka Saaxil ay xayiraada ka qaado Markabka Jabal Ali 3, marka ay fuliyaan dhinacyadu heshiiska ka soo baxay, wada-hadalka (negotiation) iyo dhex-dhexaadinta (mediation & arbitration) ay Maxkamadda Sare ku soo gunaanaday murankii u dhexeeyay labada dhinac, sidoo kale dhex-dhexaadinta lagu so af-jaray muranka waxa ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.

Arrintan wada-hadalka iyo dhex-dhexaadinta ee lagu furdaamiyay Markabka ayay Maxkamadda Sare ku xalisay dacwaddo muddo dheer taagnaa oo wakhti qaatay isla markaana xal iyo maare loo waayay.

Markab MV Jabal Ali 3 oo ay leedahay shirkadda Kenz, ayaa ka diiwaan-gashan isla markaana sita calanka waddanka Panama oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Ameerika.

Somalilandpost.net

conact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories