HomeMaxkamadda Sare ee Somaliland oo Soo Saartay Go'aan Tobaneeyey Ururrada Siyaasadda ee...

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Soo Saartay Go’aan Tobaneeyey Ururrada Siyaasadda ee U gudbay Tartanka Axsaabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad u dhaxaysa urur-siyaasadeedka Talo-wadaag iyo Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Maxkamadda Sare ahna maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa go’aanka soo saartay kaddib markii ay dhegaysatay dacwadda labada dhinac oo kiiskeedu maxkamadda soo galay kaddib markii hoggaanka urur-siyaasadeedka Talo-wadaag racfaan ka qaatay go’aan ay guddigu dhawaan ku kala saareen 15 Urur-siyaasadeed oo 9 ka mid ahi buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Maxkamadd Sare oo dhegaysiga Dacwadda u fadhiisatay 15-kii November, 2022, waxa ay dhegaysatay doodda iy cadaymo ay maxkamadda horteeda ku soo bandhigeen labada dhinac ee Masuuliyiinta ururka oo ku doodaya inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa iyo Guddiga Diiwaangelinta Ururrada oo ku dooday inaanu ururka Talo-wadaag ka gudbin shuruudihii loo baahnaa ururrada oo ahaa inay gobollada dalka ku soo bandhigaan tageerayaal tiradooda lagu xaddiday Kun Qof.

War-qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, ayaa lagu sheegay sidan:-  “Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen, waxa ay xukuntay in Uur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka Doorashada Axsaabta Qaranka, sidoo kale waxay Maxkamaddu fartay Guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka in Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag lagu daro liiska ururada gudbay ee loo gudbinayo Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ka qayb qaadanaya tartanka doorashada Axsaabta Qaranka,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland.

blank

Urur-siyaasadeedka Talo-wadaag oo uu guddoomiye u yahay Ex-xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa noqonayaa ururka kaliya ee Racfaanka ka qaatay go’aankii ay guddigu diiwangelintu hore ugu shaaciyeen 9 urur-siyaasadeed oo u gudbay tartanka Axsaabta Qaranka.

blankGo’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa tirada ururrada soo baxay ka dhigaya 10 Urur-siyaasadeed, kuwaas oo saddexda Xisbi ee hadda jira kula tartami doona Doorashada Axsaabta Qaranka oo ay ka soo bixi doonaan Saddex Xisbi Qaran oo tobanka sanno ee soo socda majaraha u hayn doona saxaafadda Siyaasadda iyo Tartanka Doorashooyinka Dalka.

Dhinaca kale, Guddiga Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo axsaabta Qaranka, ayaa isla maanta u gudiyey Komishanka Doorashooyinka u gudbiyey liiska 10-ka Urur-Siyaasadeed ka qayb-gali doona Doorashada Axsaabta Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories