HomeMaxkamadda Sare ee Somaliland oo Sii Daysay Sheekh Aadan-Sunne iyo Dhalinyaro la...

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Sii Daysay Sheekh Aadan-Sunne iyo Dhalinyaro la xidhnayd

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xorriyaddooda u soo celisay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada dalka iyo dhallinyaro kale oo muddo laba sanno ah xidhnaa.

blankSheekh Aadan-Sunne oo Ciidamada Boolisku xidheen dabayaaqada Sannadkii 2017-kii, ayaa saaka la hor-geeyay Maxkamadda Sare, taasi oo soo saartay Amar ah in la siidaayo Sheekha iyo dhallinyarada.

Go’aankan oo ay maxkamadda Sare gaadhay ayaa loogu ogolaaday Sheekha iyo Dhalinyaradaaasi in xorriyadooda loo soo celiyo, Halka laba kale oo la xidhnaa iyagana Kiiska laga khafiifiyay. Labada dhalinyarada ah ee kiiska loo fududeeyey, ayaa iyagu Balse lama sheegin in Maxkamaddu dambi ku heshay labadaas qof ee kale.

Sheekh Aadan-Sunne ayaa dhawr jeer oo hore Xabsiga la dhigay, hase-yeeshee Markan u danbaysay oo ay qabashadiisu ku beegnayd Dabayaaqadii sanadkii 2017Kii waxa uu ahaa wakhtigii ugu dheeraa ee uu xidhnaado.

Dhallinyarada iyagana xorriyadooda loo soo celiyey, ayaa xilligii la qabtay ee la xidhay waxa uu Boolisku sheegay inay goob ku taalla Koonfurta Hargeysa ay ku qaadanayeen Tababbar Ciidan.

Xukunkii lagu riday Sheekha iyo Dhalinyarada

Muddo sannad ku dhow oo ay socotay dhegaysiga dacwadda Sheekha iyo dhalinyarada oo la xidhay bishii September 2017-kii xilligaas oo xukuumaddii Siilaanyo dalka haysay, ayaa dhammaantood waxa kiiskooda la soo gunaanaday isla markaana la xukumay bishii August ee sannadkii 2018-kii.

Maxkamadda Gobalka Maroodijeex ayaa Sheekh Aadan Sunne ku xukuntay Shan sannadood oo xadhig ah, halka dhalinyarada oo tiradoodu ahayd 18 oo laba ka mid ahi maqnaayeen xilliga xukunka, lagu riday xabsi u dhexeeya hal sanno ilaa sagaal sanno. Mid ka mid ah dhalinyaradaas ayaa xilligaas la sii daayay kaddib markii uu xukunku ka dhammaaday.

Sheekh Aadan-Sunne ayaa lagu eedeeyey inuu hadallo iyo ficillo liddi ku ah qaranimada ku kacay, kaddib markii uu Masaajid uu qaddiib ka yahay oo Hargeysa ku yaalla ka jeediyey khudbado iyo muxaadarooyin loo arkay inay dhiirri-gelinayeen xag-jirnimada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories