HomeMaxkamadda Sare ee Somaliland oo ku dhawaaqday natiijada rasmiga ah ee Doorashada...

Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ku dhawaaqday natiijada rasmiga ah ee Doorashada Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa maanta shaacisay natiijada rasmiga ah ee Doorashada Golaha Wakiillada, waxaanay ayidday natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd ee guddiga Doorashooyinka Qaranka hore ugu shaaciyeen 82-ka mudane ee ku soo baxay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee dalka ka qabsoomay 31 May 2021.

blankMaxkamadda Sare ee JSL ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ku hawlanayd dhegaysiga Dacwado ka dhan ah guddiga doorashada oo u soo gudbiyeen murashaxiin saluug ka muujiyey natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd, waxaanay dhegaysatay 20 dacwadood oo ka mid ah 25 oo Maxkamadda loo gudbiyey, kuwaas oo ay dhegaysigooda soo gebo-gabaysay 28 bishii June ee sannadkan.

Haseyeeshee, Maxkamadda Sare ayaa go’aamo ay dhegaysiga dacwadaas ka soo saartay toddobaadkan ku laashay dhammaan dacwadahaas, kaddib markii ay soo gebo-gabaysay dhegaysigooda, waxaanay maxkamaddu sheegtay inay dhammaan dacwadahaasi ku guul-darraysteen inay ka gudbaan nidaamka sharci iyo xeerarka doorashooyinka dalka.

blankFadhi ay Maxkamadda Sare saaka ku ansixisay natiijada Doorashada Golaha Wakiillada, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadam, Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, KULMIYE Axmed Cabdi Dheere iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Xubnaha Guddida doorashooyinka Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed iyo wasiirka xidhiidhka golayaasha Maxamed X. Aadam Cilmi, Cadnaan Saleebaan Hagoog oo ka tirsan masuuliyiinta Ergada Midowga Yurub ee xafiiska Hargeysa, guddoomiyaha Ururka Qareenada (SOLLA) Xasan Cabdilaahi Cawaale, qaar ka mid ah mudanayaasha soo baxay iyo masuuliyiin kale.

blankGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed  wehelinayeen 10-ka garsoore ee Maxkamadda Sare ee kala ah Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Maxamed Faarax Siciid, Axmed Diiriye Qaalib, Cali-Shucayb Sh. Ibraahim Nuur, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Yaxye Cali Idiris, Cabdilaahi Cabdi Aadam iyo Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambaynta ah ee doorashadii golaha Wakiillada JSL.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa intii aanu ku dhawaaqin natiijada, waxa uu faahfaahin ka bixiyay 25 cabasho oo ay u soo gudbiyeen murashaxiin ka cabanayay natiijadii hordhaca ahayd ee Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaanu xusay in 20 ka-mid-ahi u gudbeen gar-qaadista maxkamadda.

blankGuddoomiyuhu waxa uu xusay in maxkamaddu muddo saddex todobaad ah ku mashquulsanayd dhagaysiga iyo go’aan ka gaadhista dacwadahaasi oo Maxkamaddu saddex fadhi oo ay dadweynuhu si furan uga qayb galeen ku dhagaysatay dood afeed u dhaxaysay qareenada murashaxiinta ka dacwoonayay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo qareenada difaacayay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Garyaqaan Aadam Xaaji Cali waxa uu sheegay in ugu dambayntii ay maxkamaddu ka soo saartay go’aamo sababaysan oo sharciga ku salaysan, kuwaasi oo la siiyay muwaadiniintii dacwoonayay iyo guddida doorashooyinkaba.

Intaasi ka dib, guddoomiyuhu waxa uu ku dhawaaqay natiijadii kama dambaysta ahayd ee doorashadii golaha Wakiillada JSL ee mudanayaashii ka soo baxay lixda gobol ee dalka, kuna guulaystay in ay ka mid noqdaan golaha Wakiillada cusub. Sidoo kale waxa uu xusay in maxkamadu saxeexday liiska kaydka iyo sida ay iskugu xigaan si aanu muran uga iman, waxaanu sheegay in talaabada tan xigtaa noqonayso in sida ugu dhakhsaha badan la iskugu yeedho mudanayaasha iyadoo Dastuurka la raacayo, lana dhaariyo xildhibaanada maadaama ay maxkamadu ansixisay natiijadii Doorashada.

Somalilandposts.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories