HomeMaxkamadda Sare ee Maraykanka Oo Si Buuxda U Ayidday Xukun lagu Riday...

Maxkamadda Sare ee Maraykanka Oo Si Buuxda U Ayidday Xukun lagu Riday Cali Samatar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cali samatarVirginia (SLpost)- Maxkamada Sare ee dalka Maraykanka, ayaa maanta si buuxda u ayiday xukunka ay ku guulaysteen dhibanayaashii Baashe Yousuf, Aziiz Deria, Burralle Mohamoud, iyo Ahmed Gulaid oo uu wakiil u ahaa Ururka Cadaalada iyo Masuuliyada (CJA), kaasi oo ahaa $21 million oo magdhow iyo baanasho u ah dhaawacyadii jidhdil, dambiyo lid ku ah aadaminimada, iyo xadgudubyo kale oo xuquuqda aadamaha ah oo uu gaystay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia iyo Wasiirkii Difaaca, Dhagar Aadame-qabe Maxamed Cali Samatar.

“Anigu waxay ku faraxsanahay in aan ogaado in Dhagarqabe General Samatar aanu awoodin in uu ka fakado xukunka cadaaladda ee Maxkamada Sharciga ah ka soo baxay” Sidaasi waxa yidhi Aziz Deria. Isagoo hadalkiisa sii wata Aziz waxa uu intaasi raaciyay “Aabahay EEBE ha u naxariistee Maxamed Iid, walaalkaygii iga yaraa Mustafe iyo inaabtigay Yusuf waxa laga soo qabtay aqalkayga qudhana waxa lagaga jaray amarkii uu bixiyay Dhagarqabe Maxamed Cali Samatar sababta loo dilayna kaliya waxay ahayd Qabiilka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan. Go’aanka kama danbaysta ah ee maanta ka soo baxay Maxkamada Sare waxa uu aniga I siinayaa RAJADA ah in ay Soomaalida oo dhami Cadaalad heli karto.”

Badhtamihii sanadkii 2012, Dhagarqabe Samatar waxa uu ogolaaday Waajibaadkii Masuuliyada dhaawacyada dunuubta uu ka galay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed xiligii xukuumadii Naxariista darayd ee kali taliska ahayd ee Siyaad Barre oo soo xukumayay dalkaasi laga bilaabo 1969 ilaa 1991, ka dib markii ay dhacday xukuumada kali taliye Siyaad Barre, Samatar waxa uu ka qaxay Soomaaliya ugu danbayntiina waxa uu degay Fairfax, Virginia halkaasi oo si aan cabsi lahayn uu ugu noolaa 18 sanadood ee ugu danbeeyay.

Garsooraha Maxkamada Degmada Leonie Brinkema ayaa u xukuntay ururka xuquuqda aadamiga ee magaciisa loo soo gaabiyo CJA oo wakiil u ahayd qaar ka mid ah dhibanayaal Somali ah iyadoo Qareeno ka socday CJA iyo Qareeno kale oo ka socday xarunta Qareenada loo yaqaan Akin Gump Strauss Hauer & Feld LLP ay Maxkamada u soo bandhigeen cadaymo ka marag kacaya dhawaacyo baaxad wayn oo halis ah oo Dhagarqabe Maxamed Cali Samatar sababay isagoo xiliga uu galayay xogogaal u ahaa khatarta ba’an ee ay yeelanayaan danuubtaasi uu gaysanayay.

Inkastoo uu aqbalay masuuliyada dunuubtaasi General Maxamed Cali Samatar waxa uu sii waday codsigiisa ah in Maxkamada Sare ee Maraykanku laasho Eedaha isaga loo haysto isagoo codsigiisa u cuskanaya in uu xaq u leeyahay XASAANAD Dambi ka Dhawrsanaan, isagoo markii seddexaad codsi u gudbiyay Maxkamada Sare ee Dalka Maraykanka uu ku waydiisanayo in ay dib u dhegaysato dacwadiisa, uu ku doodayo xasaanad dambi ka dhawrsanaan in maxkamadu ku siiso falal uu sheegay in uu isagu ku qaaday awooda xil rasmiga oo uu xiligaa u hayay dalkiisa.

Maanta Maxkamada Sare ee Dalka Maraykanku iyadoo tixgalinaysa qiraalka ay Wasaarada Arimahja Dibada Maraykanku (U.S. State Department) ay ku cadaynayso in Xukuumada Federaalka Soomaaliya aanay la rabin General Maxamed Cali Samatar wax Xasaanad Dambi ka Dhawrsanaan ah.

“Kumanaan Soomaali ah ayaa xadgudubyo jidheed iyo kuwo maskaxeed ay kula kacday maamulkii Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare sanadihii ay sii dhacaysay,” sidaa waxa tiri Agaasimaha Qaanuunka Xarunta Cadaalada iyo Masuuliyada ‘CJA’ Kathy Roberts, iyadoo hadalkeeda sii wadata marwo Kathy waxay hoosta ka xariiqday“Go’aanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay ku gaadhay in Jeneraal Samatar aanay u raadin xasaanad dambi ka dhawarsanaan, iyo Diidmada Maxkamadda Sare ee dalka Marayknaku ugu diiday Jeneraal Samatar racfaankiisii ugu dambeeyay, labadaasi talaabo waxay si wadajir ah fariin adag ugu dirayaan cid kasta oo ku kacda falalkan argagaxa leh in aanay helaynin xasaanad ka xijaabta dunuubtaasi culus ee ay gaysteen.

Maamulka Xukuumada Madaxwayne Obama ayaa ka dalbaday Maxkamada Sare in aanay joojinin dacwadan lidka ku ah Jeneraal Samatar, isla markaasina ay ogolaato xukunkii Maxkamada Hoose in uu fulo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories