HomeMaxkamadda Sare ee JSL oo Sulux ku soo Afjartay Dacwad Dhul oo...

Maxkamadda Sare ee JSL oo Sulux ku soo Afjartay Dacwad Dhul oo Kiiskeedu 20 Sanno socday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa heshiis iyo sulux ku dhammeeyey dacwad dhul ah oo muddo dheer maxkamadda ku jirtay.

Dhulka ay dacwadu ka socotay oo ku yaalla Agagaarka Garoonka Shulaac ee galbeedka Hargeysa, ayaa Maxkamadda Sare isla shalayba ka qaadday xayiraaddii saarnayd, kaddib markii ay labada dhinac ku qanceen heshiis rasmi ah oo lagu soo gunaanaday muranka dhulka oo muddo 20 Sanno ka badan xayirnaa, sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay Waaxda Xidhiidhka Saxaafadda ee Maxkamadda Sare.

blankDhinacyada dhulka isku hayay ayaa kala ah Aar Yuusuf Cilmi oo uu wakiil u ahaa Maxamed Yuusuf Cilmi iyo Ilmo Axmed Cabdilaahi oo uu wakiil u ahaa Cabdinaasir Axmed Cabdilaahi, waxaanay shalay dhinacyadu heshiis rasmi ah ka gaadheen dacwadoodii, kaddib markii maxkamadda Sare u saartay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo dhirraan-dhiriyey isku soo dhawaanshaha labada dhinac, waxaanay xubnaha guddigani kala yihiin Sheekh Cali Xaaji Muuse (Cali Masaajid), Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, Xasan Aadan Cilmi, Saxardiid Muxumed Shuuriye, Cabdiraxmaan Jaamac Axmed, Cabdikariim Muxumed Ismaaciil iyo Ismaaciil Daahir Faarax.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed oo ka hadlay kulan shalay ku qabsoomay xafiiskiisa oo heshiiska labada dhinac lagu soo gunaanaday, ayaa xusay in burburkii dalka ka dib dhulku noqday shayga ugu dhibta badan ee is-qab-qabsigiisu bulshada badan yahay, isagoo taas ku sababeeyey sharciyaddii lahaanshiyaha dhulka oo burburkaas raacay.

blankGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in dhibaatadaa looga baxo ay la yimaaddeen qorshe ah dhex-dhexaadin iyo Sulux looga dhex-dhalinayo dhinacyada dhulka isku haysta si loo bad-baadiyo hantida iyo kharashka kaga baxaya mudadaa dheer ee dacwadu socoto.

Ugu danbayntii, waxa uu guddoomiyuhu u mahad-naqay guddidii dhex-dhexaadinta gashay iyo dhinacyada is hayay ee isku tanaasulay.

Dhankooda, waxa madasha ka hadlay dhinacyadii dacwadu ka dhaxaysay iyo guddidii hawshaasi gashay oo xusay inay dhibaatooyin kala kulmeen dacwadda muddadii ay socotay, balse ay aad ugu faraxsan yihiin inay wanaag ugu soo dhamaatay, waxaanay uga mahad celiyeen guddoomiyaha Maxkamadda Sare doorkii uu ka qaatay soo af-jaridda dacwadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories