HomeMaxkamadda Sare ee Dastuuriga ah oo maanta soo Gunaanadday Dacwad Xisbiga UDUB...

Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah oo maanta soo Gunaanadday Dacwad Xisbiga UDUB u dhaxaysay, Go’aan-na ka soo saartay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamada Sare ee Somaliland oo ah maxkamadda kaliya ee Dastuuriga ah, ayaa maanta soo gunaanadday isla markaana go’aan ka soo saartay ka soo saartay dacwadda khilaaf u dhexeeyey garabyada Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB.

Fadhiga maanta ee Maxkamadda oo uu  gudoominayey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali  oo ay weheliyeen garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare, waxa ka soo xaadiray xubno ka tirsan labada garab ee khilaafku ka dhexeeyo, Dad kale oo dhegaysanayey dacwadda iyo warbaahinta Qaarkood.

blankGo’aanka iyo Natiijada kiiska dacwadeed ee u dhexeeyey labada garab, waxa lagu sheegay inay maxkamaddu diidday racfaanka uu Axmed Yuusuf Yaaasiin u gudbiyey maxkamadda isla markaana ay ogolaatay Racfaanka Guddoomiyaha Xisbiga Daahir Rayaale Kaahin.

Go’aanka Maxkamaddu ka soo saartay ka-garsooridda khilaafka siyaasadeed ee labada garab ee Xisbiga UDUB ayaa u dhignaa sidan:

-Waxay maxkamada Sare diiday asbaabta racfaanka racfaanlaha Axmed Yuusuf Yaasiin eek u taariikhaysan 21/04/2012 iyo dood afeedkii qareenka u doodayey.

-Waxay ogolaatay jawaab celinta asbaabta racfaanka racfaansane  gudoomiyaha xisbiga Udub Daahir Rayaale Kaahin iyo dood afeedkii qareenkiisa iyo jawaab celinta ku taariikhaysan 09/05/2012

-Maxkamadu waxay ayidday go’aanka guddida diwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka ee sumadiisu tahay GDUAAS110/2012  kuna taariikhaysan 17/04/2012

-Waxay ku kordhisay maxkamadu in warqada sumadeedu tahay tixraac GX-UDUB-001-2011 ee ku taariikhaysan 03/10/2011 iyada oo maxkamadu ku kordhisay in warqadaasi leedahay ku dhaqan sharci taas oo uu soo diray gudoomiyaha xisbiga Udub md.Daahir Rayeele Kaahin ujeedadeeduna ahayd soo xulista  guddida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga UDUB, guddidaas oo tiradoodu ahayd 35 xubnood oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed yuusuf Yaasiin waxay yeelanaysaa ku dhaqan sharci waxqabadyadii warqadaas ama igmashadaas lagu saleeyey ee ku soo baxay hadii la raacay oo lagu dhaqmay nuxurka iyo ujeedada warqadaas ku qornaa, wax ka bedelka iyo soo jeedinta xeerka xisbiga Udub waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee xeerka guud ee xisbiga Udub, sidoo kale wax ka bedelka xeerku waxa uu ku ansaxayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 3aad ee shirweynaha xisbiga Udub.

Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay 29/05/2012.”

blankWaa markii labaad ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland go’aan ka soo saarto khilaaf u dhexeeya masuuliyiin ka wada tirsan Xisbi Siyaasadeed iyada oo maxkamaddu hore uga garsoorta khilaaf siyaasadeed oo dhexmaray masuuliyiin hore uga wada tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID halkaas oo go’aanka maxkamaddu sharcinimada Xisbiga ku siiyey Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories