HomeMaxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka oo Xukunno Dil iyo Xadhig ah ku...

Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka oo Xukunno Dil iyo Xadhig ah ku Ridday 3 Askari oo ka tirsanaa Booliska Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka, ayaa xukunno isugu jira Dil iyo Xadhig ku ridday Saddex Rafcaanle oo Ka Tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland.

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan, waxa ay Maxkamaddu rafcaanlayaasha ku ridday xukunno kala duwan oo iskugu jira Dil toogasho ah iyo Sannado xabsi ah.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee SOLNA, Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka Somaliland, waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Yaasiin Faarax oo 30 jir ah, horena uga tirsanaa Ciidanka Booliska, kaas oo meel u dhaxaysa Magaalooyinka Tog-Wajaale iyo Magaalo-Cad ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray, Caydaruus Maxamed Daahir, iyadoo Maxkamaddu u cuskatay xukunkiisa Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta guud iyo Ayaadaha Qur’aanka Kariim.

Sidoo Kale Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka JSl waxa ay xukunno midkiiba 11 sanno ah ku xukuntay Cabdinaasir Maxamed Guuleed oo 48 jir ah iyo Cumar Maxamed Cabdi oo 28 jir ah oo iyaguna ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kadib markii ay ku caddaatay inay xidhiidh la lahaayeen falkaasi, iyadoo loo cuskaday Qodobka 244 ee Xeerka Ciqaabta iyo Qodobka 104 Xeerka ciidamada xilliga nabadda.

Maxkamada sare ee Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in xukunkani hirgalay iyadoo kaga dhawaaqday Xarunta Maxkamada Ciidamada ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories